X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Magcaabis Iyo Isku Bedel Ku Sameeyay Xukuumaddiisa Kadib Xubnihii Ugu Badnaa Ee Iska Casilay Golaha Wasiirradda

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magaacbis iyo bedelaad ku sameeyay Xubno ka mid ah golihiisa wasiiradda, isagoo dhinaca kalena kusoo daray xubno cusub. Kadib markii 14 Masuul oo isugu jira Wasiiro, Wasiir xigeeno, Afhayeenkii Madaxtooyadda iyo hal Agaasime iska casileen shalay Xukuumaddiisa.
Qoraal saxaafadeed kasoo baxay goor dhowayd Madaxtooyadda oo ku Taariikhaysan – 27/10/2015, ayaa lagu shaaciyay xilalka masuuliyiinta Cusub iyo kuwa lagu soo daray xukuumadda, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3631/102015 Isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey golaha wasiirada Somaliland, isagoo buuxiyey qaar ka mida wasaaradihii ay baneeyeen wasiiradii hore iyo Magacaabayna Afhayeen Cusub.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland(Hore Duulista)

2. In Mudane, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Xildhibaan)

3. In Mudane, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Arrimaha Nabadaynta ee Gobolada Bariga)

4. In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland ( Hore Wakiilkii Kenya u fadhiyey Somaliland)

5. In Dr. Sacad Cali Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiirkii Qorshaynta Qaranka).

6. In Mudane, Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Maaliyada).

7. In Mudane, Xuseen Aaden Cige (Deyr), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.” ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedka Madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL. Naasir Yuusuf Daahir.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post