X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Magcaabis Iyo Is Bedel Ku Sameeyay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland

Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo, ayaa magcaabis iyo isbedel ku sameeyay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, isagoo xilal cusub saacado ka hor magcaabay.
Sidaana waxa lagu sheegay Digreeto kasoo baxday Qasriga Madaxtooyadda Caawa Caweyskii oo uu ku saxeexnaa Afahayeenka Madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul.

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda ee is bedelka iyo magacabista xililka masuuliyiinta ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3392/062015, ku magacaabay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda Somaliland, isaga oo wasiir ku xigeenkii horena u bedelay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday In Mudane, Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo xiligii xukuumaddii UDUB ee Daahir Rayaale ahaa Wasiir ku- xigeenka Wasaraadda Arrimaha Dibedda, isla markaana lagu xusuusto dhawaaq uu xiligii ay sii dhacaysay Xukuumaddii Daahir Rayaale ku sheegay in aanu Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa Guddoomiyaha Xisbiga ugu weyn ee Mucaardka KULMIYE, oo safar ugu maqnaa Janaury 2010 dalka Maraykanka aanu soo geli Karin, balse Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Xiligii Cabdullaahi Maxamed Ducaale, ayaa beeniyay warkaa wasiir ku-xigeenkiisa, wuxuuna ku tilmaamay mid ku kooban jeebkiisa oo aan ka turjumayn siyaasada Wasaaradda iyo Xukuumadda UDUB.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa xilkii uu hayay ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ka bedelay Mawliid Maxamuud Ibraahin (Ina Maxamed Karaani) sida lagu sheegay qoraalka waxa laga bilaabo taariikhda maanta loo bedelay masuulkaa oo ahaa Wasiir ku- xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga inuu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa  kusoo kordhiyay xukuumaddiisa xilal cusub iyo magcaabis xili ay dhamaatay mudadii Dastuuriga ahayd ee sharciyan la doortay xukuumaddiisa, isla markaana dhowaan golaha guurtidu u kordhiyeen muda-xileedka Xukuumadda iyo Baarlamaanka kadib markii ay dib u dhaceen doorashooyinkii la filayay inay Somaliland ka qabsoomaan horaantii sanadkan 2015.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post