X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Magcaabay Masuuliyiin Cusub Iyo Hay’ad Lagu Soo Kordhiyay Hay’addaha Qaranka

Somaliland President Ahmed Mohamoud Silanyo

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa masuuliyiin cusub u magcaabay xilal iyo sidoo kale Hay’ad cusub oo lagu soo kordhiyay Hay’addaha madaxa-banaan ee qaranka.

sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay caawa qasriga Madaxtooyadda oo u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5157/102017  ku magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Somaliland iyo Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyidoona Dalka Ireland.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:   Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda ay Hay’adda Maalgashigu u leedahay kor u qaaddida koboca dhaqaalaha iyo horumarinta Qaranka;

 

Markuu Arkay:  In baahi loo qabo magacaabidda jagada Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu La Tashaday:   Madaxda ay khusayso;

 

Markuu Ka Fiirsaday:   Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:     In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cismaan Maxamed Jaamac Badmaax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiillada Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo magacaabidda jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ireland;

 

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Aadan Jaamac (Dheri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ireland.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

  Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post