X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Magcaabay Masuul Cusub

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa magcaabay masuul cusub oo xilkiisu yahay Guddoomiyaha Qurbajooga Somaliland. sidaana waxa lagu sheeciyay qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyada oo  saxaafada loo qaybiyay 14 April 2015.

Qoraalkaa oo dhamaystiran, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3183/042015 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakaaladda Qurbajoogga Qaranku u leedahay Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdi Cabdilaahi Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xafiiskaa oo hoos imanaaya maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.” ayaa lagu yidhi qoraalkaa oo uu ku saxeexnaa Naasir Yuusuf Daahir  oo ah Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.

Hay’adda Qurbajooga, ayaa 2013 laga qaaday xilka guddoomiyihii Qurbajooga, waxaana la hoos geeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, iyadoo masuulkii xiligaa guddoomiyaha ka ahaa ee xilka laga qaaday uu ku wareejiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post