X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Magcaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Iyo Safiirka Ethiopia Ee Somaliland

 Madaxweyne Siilaanyo Oo Magcaabay Masuuliyiin Cusub

Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo, ayaa magcaabay Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland iyo Safiirka Somaliland ee dalka Ethiopia. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed maanta kasoo baxay qasriga Madaxtooyada oo ku saxeexnaa Xoghayaha gaarka ah ee xafiiska Saxaafada Naasir Yuusuf Daahir, isla markaana ah ku simaha Afhayeenka.

Digreetooyinka lagu  magcaabay labada masuul, ayaa u qornà Sudan: -Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3319/052015  uu ku magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia.

 

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:   Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:    Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:   Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;

Markuu Aqoonsaday:       Baahida weyn ee loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;

Markuu ku Qancay:         Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Isku Qanciyey:     In uu hanan karo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;

Wuxuu Go’aansaday

In Mudane, Aadan Xaaji Cali Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

MAGACAABIDA WAKIILKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND U FADHIYA DALKA ITOOBYA

 

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:     Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya;

 

Markuu Ka Fiirsaday:      Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya.

ALLAA MAHAD LEH

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post