Araweelo News Network

Somaliland President Ahmed Silanyo

Somaliland President Ahmed Silanyo


Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/MG/083-3825/022016 ku Magacaabay Gudi heer qaran ah oo u xilsaaran Abaaraha dalka ka jira, gudidaas oo uu Gudoomiye u noqon doona Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada shalay, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay guddi ka kooban 17 xubnood oo isugu jira wasiirro, masuuliyiin dawladeed, ganacsatado iyo culimo, isla markaana guddoomiye u yahay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/MG/083-3825/022016 ku magacaabay Guddi heer qaran ah oo u xilsaaran abaaraha dalka ka jira, guddidaas oo uu guddoomiye u noqon doono Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.
Xubnaha Guddida Madaxweynuhu magacaabay:
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Md. Mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Dr. Muuse Qaasim Cumar, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Md.Axmed Xaaji Cali Cadami, Xog-hayaha Golaha Wasiirrada mudane Sharmarke Axmed Muxumed, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Md. Maxamed Shukri Jaamac, Md. Farxaan Liibaan Axmed, Md. Maxamed Cali Maxamed, Md. Cabdiraxmaan Faarax Xarbi, Md. Cabdi-wahaab Maax Maxamed, Md. Cabdiraxmaan Cali Cabdi, Sheekh Ciise Maxamuud Cabdillaahi, Sheekh Cawil Faatax Shire, Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Sheekh Cabdi, Sheekh Maxamed Aadan Muxumed, Sheekh Xasan Cabdisalaan Sheekh Cali.
Ujeeddo: Magacaabid Guddi
Mudanayaal, sida aad la socotaan waxa dalka ka jira abaaro ba’an oo waxyeelo u gaystay xoolihii, daaqii iyo dadkiiba. Sidaa darteed, waxa daruuri ah in gurmad bani’aadanimo oo degdeg ah la gaadhsiiyo bulshada Somaliland ee ay abaaruhu sameeyeen.
Haddaba, waxaan idiin magacaabay inaad noqotaan guddida u xilsaaran isku-dubbaridista qaadhaan-uruurinta dadweynaha iyo qorshaynta kaalmada la gaadhsiinayo dadkaas tabaalaysan, waxana guddoomiye idiin noqon doona Madaxweyn-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaan idinka rajaynayaa in aad hawshaas xil mug leh iska saari doontaan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Xuseen Aadan Cige (Dayr).

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com