X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Lama Filaan Ah Suuqyada Laga Dukaamaysto Ee London Loogu Arkay

Araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo oo suuqa weyn ee shopping centre ee Westfield shopping centre ee galbeddka London lagu arkay


London(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ku sugan dalka Britain, ayaa caawa booqday suuqa weyn ee shopping centre ee Westfield shopping centre ee galbeddka London.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu fadhiistey, isla markaana kula xaqweeyey coffee shop ku yaal halkaa oo ay ku sugnaayeen qaar ka mida jaalliyadda reer London oo fadhiyay goobta, kuwaas salaan iyo la boobay markii ay si lama filaan ah ula kulmeen Madaxweynaha
oo ay wehelinayeen Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Xoghayaha gaarka ha ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada Mudane Khadar Cali Gaas.

Madaxweyne Siilaanyo oo ku guda jira fasixiisi sanad laha ahaa oo inta badan uu dalka Britain ku soo qaadan jiray, wuxuu caawa si kedis ah uga dhex toosay suuqyada Shopping Centre, isagoo Madaxweynuhu kula caweeyey muwaadiniinta Jaaliyada reer Somaliland ee halkaasi ku sugnayd, kuwaas oo farxad ku qaabilay Madaxweynaha oo aanay ka filayn goobta.

Daawo sawirada Madaxweynaha iyo dadkii muwaadiniinta ahaa ee uu la kulmay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post