X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Guurtida iyo Wakiillada Hordhigo Qorshe Ah In Dawladda Imaaraadku Saldhig ku Yeelato Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hordhigi doonaa labada aqal ee baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) codsi dawladda Imaaraadku ku doonayso inay saldhig millatari ka samaysato madaarka caalamiga ah ee magaalada Berbera.
Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo safar ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta 26 September 2016, ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta sare ee dawladda Imaaraadka, kuwaasoo ka codsaday in loo ogolaado sidii ay saldhig millatari oo dhinaca cirka ah uga dhigan lahaayeen madaarka Berbera, codsigaas oo sida uu hore u sheegay Wasiirka Duulista Somaliland uu Madaxweynuhu aqbalay.
Hasa yeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa caddeeyey qorshaha Dawladda Imaaraadku ku doonayso saldhiga ciidan in Madaxweynuhu horgayn doono golayaasha Guurtida iyo Wakiillada si ay u ogolaadaan amma u diidaan, balse, wasiirku ka xusin waqtiga arrintaas loo gudbinayo baarlamaanka.
“Intii aannu joognay dalka Imaaraadka Carabta way jirtay codsi ay noo soo gudbisay Dawladda Imaaraadka Carabtu inay saldhig ahaan u isticmaalaan madaarka Berbera oo runtii markii horeba saldhig ahaan loo aasaasay, waxaannu mar ahaa saldhiga Ruushka, marna waxa uu ahaa saldhiga Maraykanka,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.
Waxaannu intaas ku daray; “Horta marka hore, waxa weeye Madaxweynuhu marka wax loo soo jeediyo inuu soo dhaweeyo, runtiina waa waddan ay dano badan inaga dhexeeyaan, codsigaasna jawaabtiisu waxay noqotay…Markii aannu talo sharci qaadanay, waxa sharcigeennu odhanayaa arrimaha noocaas oo kale ah ee runtii taabanaya qaranimada iyo madaxbannaanideena, waa in Madaxweynuhu marka hore kala tashado, ogolaanshana ka helo xubnaheenna baarlamaanka oo ah labada aqal ee Guurtida iyo Wakiillada, markaa kaasi halkaas ayuu marayaa.”
Sida ku cad qodobka 38aad ee dastuurka Somaliland, farqadiisa 6aad, xubintiisa ‘t’ waxa Guurtida iyo Wakiilladu fadhi wada jir ah ka yeelanayaan marka laga doodayo in Jamhuuriyadda Somaliland ku biirto urur amma huwan-goboleed amma caalami ah, ansixinta heshiisyada leh dabeecad goboleed amma caalami, iyadoo sida Wasiirka Khaarajigu sheegay qodobkan loo adeegsan doono doodaha guurtida iyo wakiilladu ka yeelan karaan in dawladda Imaaraadka Carabta loo ogolaado inay saldhig millatari ku yeelato dekedda Berbera.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post