X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Kusoo Laabtay Hargeysa Kadib Safar Dheer Iyo Mashaariicdii Ugu Danbaysay Ee Uu Xadhiga Ka Jaray Magaalada Berbera


Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo socdaal qaatay ku dhowaad laba todobaad safar ku marayay gobolada dalka Beri iyo galbeed, ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyay caawa kadib markii uu kusoo laabtay Magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Siilaanyo oo labadii maalmood ee u danbeeyay ku sugnaa xarunta gobolka Saaxil ee magaalada Berbera, wuxuu magaalada xeebta ah ee Berber aka filiyay furitaanka iyo dhagax dhiga mashaariic baddan oo xukuumaddu ka fulisay halkaa iyo kuwo waqtigan la doonayo in laga fuliyo, kuwaas oo isugu jira Balaadhin lagu smaynayo dekedda Berbera, dhismayaal Garoomo Kubadda Cagta ah iyo mashaariic kale oo ay qaarkood fulisayso dawlada Hoose ee Berbera.

 

 

 

Madaxweynuhu waxa uu maanta dhagax dhigay mashaariic kala duwan isaga oo ku sugan gobolka saaxil magaalo madaxdiisa berbera, kuwaas oo ka kooban waddo 8Km ah oo ku soo wareegidoonta magaalada Berbera, dhismaha Afar garoon oo kubada cagta ah oo dhalinyarada xaafadaha ay u samayn-doonto dawlada hoose, si loo nasiyo garoonka wayn ee maayar cabdalle Stadium , dhismaha fooq laba dabaq ah oo wasaaradda Maaliyadu ka dhisan doonto gobolka.

 

 

 


Sidoo kale waxa ku jira mashaariicda Madaxweyne Siilaanyo dhagax dhigay ee magaalada Berbera dhismaha guri fooq ah oo noqon doona ka ugu quruxda badan magaalada, kaas oo loogu talo galay rugta akhriska ( library ) ee gobolka saaxil, dhismaha Bijka (Beach) Berbera oo ay hirgelindoonto dawlada hoose, dhismaha laba istaan oo ay ugu talo galeen in lagu ururiyo baabuurta waa weyn iyo kuwa yaryar si gobolku u yeesho meelo loogu soo hagaago baabuurta.

 

 

 

 

 

 

 

 

Qorshaha mashaariicdaa waxa kale oo ku jira beerida 2000 oo geed timir ah oo loogu talo galay marka ay wadada sameeyaan dawlada hoose ee ay kala saaraan dadweynaha iyo Baabuurta in lagu beero koonayaasha wadada masuuliyiinta Dekeda iyo Maayarka Degmada, ayaa hormood u ah qorshayaasha iyo mashaariicda cusub, iyadoo Maareeyaha Dekedda Eng, Cali Xoor Xoor iyo Maareeye xigeenkiisa Cumar Daahir madaxweynaha iyo wefdigiisa kaga yaabiyeen dedaalka ay ugu jiraan sidii Dekeda magaalada berbera u noqon lahayd mid isku filan oo qalabkeeda iyo adeegyada ay qabanaysaa noqdaan kuwo isku filan, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo ku amaanay masuuliyiinta Delkedda iyo Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin dedaalkooda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post