X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Kusoo Laabtay Burco

 

Madaxweynaha oo kasoo laabtay Ceergaabo

Burco(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu safarkiisi goboada bari oo galay maalintii todobaad iyaga oo ku sugan gudaha ceerigaabo oo ay habeenkii xalay ahaa u hoydeen weftiga madaxweynuhu, waxay subaxnimadii saakaba hawlo shaqo ka bilaabeen magaalada ceerigaabo

Weftiga oo ugu horayn shirar kala duwan la yeeshay waxgaradka, waayeelka dhalinyarada gobolka sanaag oo uu madaxweynuhu kala hadlay dhismaha wadada ceerigaabo oo hada hana qaaday dhismeheeduna indhaha shacbiga tusay in horumar la samayn karo hadii  sidaasi iyo si ka sii wacan laysugu duubnaado, iyadoo dhicayadii la kulmay madaxweynuhu ay ku dhiirigeliyeen madaxweynaha, iyo gudida wadada ceerigaabo in aanay ka caajisin, dedaalka iyo kartida ay ku dhaqaajiyeen wajiga koowaad ee wadada ceerigaabo, taas oo uu madaxweynuhuna ka balan qaaday in uu barbartaagnaanayo sidii laysugu duubnaan lahaa shicbi iyo xukuumadba wadaduna ku dhismi lahayd,

 

Shirka kadibna waxa madaxweynaha halkaasi shahaado sharaf taariikhi ah ku gudoonsiiyey aqoonyahanka ka soo baxay jaamacadaha dalka ee ka soo jeeda gobolka sanaag, kuna maamuuseen madaxweynaha qaranka shahaado sharaftan madaama oo uu noqday madaxweynihii u horeeyey inta taaariikhda la ogyahay  odhan 156 sanno u badheedhay inuu hirgeliyo dhismaha wadada ceerigaabo ilaa burco, sidoo kalena waxa ay shahaadadan ku xuseen inay ka turjumayso oo kale waxqabadka uu guud ahaan madaxweynuhu dalka ka geystay intii uu xilka hayey.

 

ka dibna weftigu waxay uga ambabaxeen guriga martida oo kulamadu ka dhaceen dhanka cusbitaalka guud ee ceerigaabo oo madaxweynaha iyo weftigiisu kormeer shaqo oo ay ugu kuurgaleen xaaladiisa ku soo mareen warbixina ay ka dhegeysteen gudoomiyaha gudida gacanta ku haysa cusbitaalka Dr Muuse Yuusuf Maxamed oo warbixin aad u qiimo badan ka siiyey iyo xaalada cusbitaalka.

 

Isaga oo madaxweynuhuna soo kormeeray waadhadhka, qolalka Shaybaadhka iyo bukaan jiifka cusbitaalka oo uu mid mid ugu duceeyey

 

madaxweynaha oo ku jira hawlihiisa shaqo ee ceerigaabo ayaa ka qaybgalay  xaflada qalin jebinta Ardayda Jaamacada Sanaag University oo uu madaxweynuhu shahaadooyin gudoonsiiyey, halka Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Caafimaadka, wasiirka Madaxtooyada iyo madaxweynahana ay ardayda jaamacadu gudoonsiiyeen shahaado sharaf ay ugu talo galeen kuna maamuuseen waxqabadka ay muujiyeen.

 

ugu danbayna waxa ay weftiga madaxweynuhu u soo kicitimeen markay saacadu ahayd 11:20Am dhanka Gobolka togdheer iyada oo caawa markay saacadu ahayd 8:20: Pm ku soo hoydeen magaalo madaxda Togdheer ee burco. waxaana halkaas weftiga madaxweynuhu hogaaminaayey ku sugaayey kuna soo dhaweeyey shacbi aad u tiro badan oo la dhacsanaa safarka madaxweynuhu ku tegay isaga oo guud ahaan soo kormeeray goobaha ay ka socoto dhismaha wadada ceerigaabo, xoolo noolna uu ka gudoomay deegaamada sanaag oo bilaabay inay xoolo isugu jira geel iyo adhi ku wareejiyaan gudida wadada ceerigaabo iyada oo uu madaxweynuhuna goobjoog ka ahaa wareejinta.

 

dhinaca kalena waxa dhar haween iyo koofiyado ay ku xardhan yihin calanka somaliland la gudoonsiiyey haweenka magaalo ceerigaabo iyada oo deeqdaasi ay marwada qaranku u wakiilatay Dalays Shire oo ka mida ahayd haweenka safarka ku wehelinaayey marwada.
         
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post