X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan Dardaaran Ah La Yeeshay Xubno Ka Socda Ururada Bukshada

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa kulan dardaaran ah la yeeshey xubno ka socdayUrurada bulshada ee Somaliland, kuwaas oo maanta uu ku qaabilay xafiiskiisa.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kulankaa kadib kasoo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha, waxa lagaga hadlay Arrimaha doorashada Madaxtooyadda Iyo sidii doorashadu u noqon lahayd mid xaalal ah oo si nabadgelyo ah ku dhammaata.

Qoraalkaa, ayaa u dhignaa sidan: –

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08.11.2017 uu kulan la qaatay ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland, waxaanu madaxweynuhu ku yidhi “Aad baan ugu faraxsanahay kulankan saaka aad igu timaadeen. Waxaan idiinka mahadnaqayaa war-bixinta iyo talada balaadhan ee aad ii soo jeediseen. Waxaan idiinku hambalyeynayaa dedaalka weyn iyo doorka aad ka qaadataan ilaalinta danaha guud iyo u adeegidda ummadda.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan aamisanahay, in bulshada rayidka ahi ay kaga jirto kaalin muq leh geedi-socodka dimuqraadiyadda, adkaynta nabadgelyada, wacyigelinta bulshada iyo baadi-goobka aqoonsiga Somaliland. Waxaan soo dhaweynayaa, talooyinka iyo tilmaamaha aad ii soo jeediseen.

 

Ugu dambayn, waxaan idin kula dardaarmayaa in aad dedaalka laban laabtaan, isla markaana aad gacan weyn ka geysataan sidii dalkan ay uga qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ahi”

Markii kulankaasi soo dhammaaday waxa iyaguna dhinacooda saxaafadda u sheegay in natiijo fiican uu ku dhammaaday xubno ka mida ururada bulshada.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post