X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Hanjabay In Cidii Sharciga Baalmarta Laga Qaadi Doono Tallaabo Aanay Mahadin

Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku hanjabay in ciddii sharciga baalmarta la Marin doono tallaabo aanay mahadin cawaaqibkeeda, wuxuuna mucaaradka usoo jeediyay inay ilaaliyaan sharciga iyo Dastuurka dalka.

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha muranka ka taagan doorashooyinka iyo mudo kordhinta dhowaan guurtidu samaysay ee xukuumadda iyo golaha wakiilada Somaliland, wuxuuna go,aanka guurtida ku tilmaamay mid sharci ah.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa kale oo uu ka hadlay heshiiskii sadexda xisbi oo uu sheegay in aanay ka bixin xukuumadda iyo xisbigeedu, balse loo baahanyahay in lag a dhiraan-dhiriyo golaha guurtida si sharciga loo waafajiyo.

Arrimahaa iyo kuwo kale, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ka had lay ka hor intii aanu saaka u bixin safar uu ugu anbabaxay gobolada bariga Somaliland, wuxuuna ku bilaabay sidan:

Waxaan Salaan iyo hambalyo u dirayaa dhamaan bulshada Somaliland meel-kasta oo ay joogaan, Salaan qiimo badanka dib waxaa maanta ii qorshaysan in aan safar kooban ugu baxo dalka gudihiisa aniga oo ka war helaya una kuur galaya mashariic horumarineed oo kasocota meelo badan.
Indhawayd waxaa dhegahayga kusoo dhacayay mucaaradka oo ka hadlaya arimaha doorashooyinka, qaar ku hanjabaya inay qarankan burburinayaan iyo qaar ka hadlaya go’aankii guurtida ee ay dhawaan mudada ugu kordhiyeen, golayaasha qaranka ee dastuuriga ah.
Arimaha Doorashooyinka.

 

Waxaan leeyahay anagu waanu diyaarinay wax kastaoo ay doorashooyinku u baahnaayeen, haday tahay dhaqaale, Xeerar, Komishinkii maamulayey, dhamaan waanaga diyaar, waxa keliya ee hadhsani waa Xeerka golaha wakiilada oo laga sugayo Gudoomiyaha golaha wakiilada. Wax kasta oo khuseeya maamulida arimaha doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka doorashooyinka waana ku ixtiraamaynaa, waanaka sugaynaa ee dhamaanteenaan la shaqayno marka ay diyaariyaana qofkii danaynayaa ha u soo diyaar garowga garoonka doorashada.

Go’aanka Guurtidu waa sharci, waana dastuuri,waxaana layaab leh in gudoomiye C/raxmaan Cirro yidhaahdo waa sharci daro, waxaana la wada ogyahay in uu isagu ku fadhiyo korodhsiimad aguurtida ,kuna fadhiyey 5 sanadoodoo hore. Waxaa muuqata in uu Gudoomiye Ciro leeyahay kursigaaan ku fadhiyaana waa xaraan ka uu isagu ku fadhiyaan waa xallaal iyadoo guurtidun oo wada kordhisay balse shacabku indhahooda way qabaan oo dhegahooda way qabaan waxaana muuqata in hogaamiyayaasha mucaaradku kala korran yihiin,dhawaaqya daka soo baxayaana ay muujinayaan in ay qaarkood ku degdegayaan hadalo dhiif leh oo niyad jabku ah shacbiga iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.

 

Sharciguna maaha wax qofku sida uu jecelyahay u turjunto ee waa sharcidal ku leeyahay oo dadka ka dhexeeya.
Wixii ay xisbiyadu ku heshiiyeen ee mfaadaxweyne-xigeenku ku dhex-joogay waxay ahayd heshiis ah maslax siyaasadeed waana u hogaan sanahay ,waana ixtiraamaynaa ka manaaanu bixinbalse, weli lama sharciyeyn waxaan aaanu leenahay aynu sharciyayno,oo guurtida ka dhiraan dhirino.

 

Dawladaydu waa sharci, way jirtaa waanay, jiri doontaa waxaana xil ka igala wareegi doona dawlad lasoo doortay oo sharci ku timaada. Dalkana masuuliyadiisu anagayna saaran tahay, Cid kasta oo sharciga gudub marta oo iska indhatirta, waxaan ka qaadi doonaa tallaabo shariga waafaqsan oo aanay mahadin.

 

Waxaan bulshada Somaliland kula dardaarmayaa isku duubnida, illaalinta nabad gelyada iyo inay gacmaha isu, qabsadaan,horumarka dalka.

 

Allaah Mahad  Leh

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post