X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo OO Kormeer Temmeshle Ah Ku Maray Suuqyada Magaalada Hargeysa

Madaxweyne Siilaanyo oo suuqa lugaynaya 14 May 2015

Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo, ayaa si lama filaan ah galabta suuqyada magaalada Hargeysa ugu maray socdaal Temeshle ah, isagoo booqday goobo ka mid ah suuqyada ugu waaweyn magaalada iyo weliba dhismaha Wasaaradda Arrimaha gudaha Sonaliland.

Booqashada Madaxweynaha oo ahaa mid aan warbaahintu sii ogayn, balse booqashadaa kadib qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyada ayaa u qornaa sidan:-
โ€œMaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Axmed Maxamd Silanyo waxa uu galabta markay saacadu ahayd 4:00 PM ilaa 6:15 PM uu kormeer ku soo maray suuqyada caasimada Somaliland ee Hargeysa, hotel Ambassador, iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo suuqa lugaynaya 14 May 2015

Kormeerkan Madaxweynuhu ku soo maray goobaha ugu muhiimsan caasimada ayaa daarnaa xogogaal u noqoshada xaalada guud ee shacbiga iyo goobaha ganacsiga.

Waxaanu madaxweynuhu socod lug ah ku soo maray badhtamaha laamiyada, suuqa koowaad ee waaheen, isaga oo gacan qaad iyo gacan tacantaagba u fidinaayey shacbigii ku sugnaa goobaha ganacsiga oo isugu jiray kuwo ka adeeganaayey iyo kuwii iibinaayeyba ama mulkiilayaashaba.

Madaxweyne Siilaanyo oo suuqa lugaynaya 14 May 2015

Madaxweynaha oo ganacsatada ku sugnaa suuqa waaheen qaar ka mida waydiiyey qiimaha qaar ka mida agabkii ku sharaxnaa miiska ayaa waxa ay indhihiisu qabteen calamada Somaliland ee xad dhaafka ah looguna diyaar garoobayey xuska 18 may oo ah maalin shacbiga Somaliland qiimo weyn ugu fadhida, isaga oo madaxweynuhu ka mid noqday dadkii laymanka ugu jiray inay iibsaday Calamada Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo suuqa lugaynaya 14 May 2015

Madaxweyne Siilaanyo oo suuqaย  ka iibsanaya Calanka Qaranka 14 May 2015

Madaxweyne Siilaanyo oo suuqa lugaynaya 14 May 2015

ย 

Ka dibna waxa uu madaxweynuhu uga sii gudbay dhinaca hotel Ambassador oo uu la qaxweeyey wakhtina la qaatay dadweynihii ku sugnaa ee goobta joogay oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin iyo qaybaha bulshada.

Isaga oo madaxweynuhu badhtanka kaga jira kormeerkiisa xogogaal u noqoshada waxa uu soo maray suuqa labaad ee ugu balaadhan hargeysa ee loo yaqaan gobonimo, madaxweynuhuna dhex lugeeyey suuqa gobonimo ka dibna uga sii gudbay kaalinta indho-birta oo ka soo horjeeda suuqaasi, halkaasina uu madaxweynuhu ka tukaamaystay.

Madaxweyne Siilaanyo oo suuqa lugaynaya 14 May 2015

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu soo kormeeray wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland oo ah wasaarad cusub oo aad u qiimo badan dhawaana la dhamaystiray waxaana madaxweynaha ku soo dhaweeyey wasaarada wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland wasiir Cali Maxamed Warancade. madaxweynaha iyo marwada koowaad marwo aamina Weris Sheekh Maxamed Jirde oo ku wehelinaysay Madaxweynaha kormeerku waxay halkaasi ku qaateen qadar nasasho ah, ka dibna waxay ku soo hoyden qasriga madaxtooyada.

Madaxweynaha oo gelaya barxada dhismaha wasaaradda arrimaha gudaha ee cusub

Madaxweynaha kormeerka kadib ku nastay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland

Waxaana kale oo madaxweynaha kormeerkan ku wehelinaayey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade

Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi aadan

Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali axmed Cali

Taliyaha Ciidanka Booliska, Cabdilaahi Fadal Iiman

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Axmed Cali Maygaag
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post