X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Khilaafka KULMIYE U Magcaabay Guddi

Hargeysa(ANN)Kulamo iyo shirar ilaa xalay ka socday qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo u dhexeeyay Madaxweyne Siilaanyo iyo dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo ee Xisbiga KULMIYE, ayaa sababay in Madaxweyne Siilaanyo guddi ka kooban shan xubnood u magcaabo xalinta khilaafka xsibiga.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda iyo hogaanka Xsibiga midna, balse sida ay sheegayaan warar shebekada Araweelo News News ka heshay ila wareedyo u dhow kulamadaa iyo qasriga Madaxtooyadda, waxa Madaxweynuhu kadib kulamo iyo doodo ilaa xalay socday oo la doonayay in xal loogu helo xisbiga kusoo gunaanaday inuu guddi ka kooba shan xubnood u magcaabo khilaafka xisbiga.

wararka la xidhiidha arrimahaa ayaa sheegaya in xubnahaa ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami oo hore hoggaanka Xisbiga loogu xoojiyay si uu marjac ugu noqdo. sidoo kale waxa xubnaha ka mid ah Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Aadan, Cabdirisaaq Ciyaale iyo Guddoomiyaha Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasaqa Axmed Muxumed Madar, balse xubinta shanaad ayaa la sheegay inay ka mid tahay xubnaha Komishanka Qaranka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post