X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Shil Gaadhi Oo Sababay Dhimashada Dhawr Iyo Toban Qof

Araweelo News Network

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Gebilay(ANN)shil ka dhashay laba gaadhi oo isku dhacay deegaanka galbeedka Somaliland ee Gebilay, ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 14 qof.
Maaxweynaha Somaliland ayaa ka hadlay shilkaa fooshaxun, wuxuuna dhanbaal tacsi ah ku yidhi Sudan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu Bulshada Somaliland ka tacsiyadaynayaa Shilka naxdinta leh ee maanta ka dhacay inta u dhaxay Gabiley iyo Kalabaydh, shilkaas oo sababay 14 Dhimasho ah, iyo 9 qof oo dhawac ah ka dib markii ay isku dhaceen laba Baabuur oo midna land cruiser yahay midna NOAH, kuwaas oo siday dad shicib ah.

“Madaxweynuhu waxa uu ka tacsiyadaynayaa isagoo ka tiiraanyeysan Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka geeriyoodeen dadkaasi, waxaanu Alle uga baryay inta dhaawaca ah inuu caafimaad sareecana siiyo kana kiciyo dhaawaca soo gaadhay. Waxaanu amray in la xoojiyo baadhista sida shilku u dhacay, lana badiyo Gurmadka adeega caafimaad ee shilkaas.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post