X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Kulan Lagaga Hadlay Hawsha Diiwaangelinta Oo Lagu Qabtay Qasriga Madaxtooyadda

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Shir gaar ah oo ku saabsan habka uu u socdo barnaamijka Qaranka ee diiwaangalinta codbixiyaasha oo haatan maraysa Saaxil, Gabilay iyo Hawd, ka dib markii laga soo dhameeyay Togdheer iyo Awdal, ayaa lagu qabtay xalay qasriga Madaxtooyada JSL.

Shirkan oo uu gudoominaayay Madaxwaynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, weheliyayna Madaxwayne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil (Saylici), Gudoomiyayaasha Xisbiyada KULMIYE iyo UCID iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Wadani, Xubnaha komishanka doorashooyinka oo uu horkacayo Gudoomiyaha komishanka, wasiirro iyo Masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiyada qaranka ka tirsan ayaa si qoto dheer loogu lafo-guray sida diiwaangalinta codbixiyayaashu ilaa hadda u socoto.

Xubnaha komishanka dooroshoyinka Qaranka (KDQ) oo ahaa shan xubnood uguna horeeyo Gudoomiyaha Komishanka Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa qeexay in ay diiwaangalintu sidii la rabay ee loogu talo galay u socoto, cidkastoo isku dayday in ay isdiiwaangaliso halmar wax ka badanna qalabka lagu shaqaynaayaa qabtay, sharcigana lala tiigsan doono .

Xubnaha komishanku waxay ka digeen in caadiifad inna qaaddo oo habka ay diiwaangalintu u socoto la farafareeyo, loona ordo waxa loo malaynayo in ay gobol ama degmo gaar ugu badinayso.

Waxay ku adkaysteen xubnaha komishanku in nidaamka diwaangalintu ee codbixiyayaashu yahay kan ugu fiican cadaaladda, laguna meel marin karo tartan xor iyo xalaal ah doorashada loo balansan yahay 2017, hadii Eebbe idmay.

Waxay caddeeyeen Xubnaha KDQ in nidaamka codbixiyayaasha loo diwaan galinaayo aanay cidna uga horrayn caalamka Somaliland, kalsooni wayna lagu qabo in uu guulaysto habkani.

Dhinacooda Xubnaha ka tirsan Asxaabta iyo Masuulliyiin xukumadda ahiba waxay tilmaameen inay kalsooni ku qabaan komishanka dooroshooyinka iyo qalabka lagu shaqaynayoba, waxay rabaana yahay in tirada ugu badani ee codbixiyeyaashu is diwaangaliyaan, xaqa dastuuriga ah ee codbixiyeyaashana loo ilaaliyo.

Markii la qaadaa dhigay ka dib, waxa la isku dardaaray in habka lagu wado diiwaangalintu ay sideeda u socoto, Gobolada iyo Degmooyinka ay ka socotana lagu dadaalo in Goobaha Diwaangalinta lagu ururiyo si dadka ugu badani isku diiwaan galiyaan.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland oo soo gunaanaday kulanka ayaa ku dardaaray ka qaybgalayaasha kulanka in Komishanka dooroshooyinka qaranka lagu qaddariyo shaqada culus ee ay u hayaan Qaranka, komishanka dooroshooyinka qarankuna ay tixgaliyaan cabashooyinka aan ka hor imanaynin wakhtiga iyo habka shaqada diiwaangalinta loo qorsheeyay.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post