X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Hawlaha Gurmadka Abaaraha, Dadka Tabaalaysan Iyo Qaadashada Kaadhka Codbixinta

Araweelo News Network

Madaxweyne silanyo photo file

Madaxweyne silanyo photo file

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ka hadlay Arrinta qaadashada kaadhka codbixiyaha iyo xaalada abaarta ayaa yidhi “Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay in aan maanta idiin soo gudbiyo, fariin xambaarsan muhiimadda qaadashada kaadhka cod-bixinta oo dalka ka bilaabmi doonta 29-ka, bisha April, 2017-ka, Eebe idamkii.

qaybinta kaadhka codbixinta doorashada madaxtooyadu, waa gallad Eebe iyo guul u soo hoyatay guud ahaan Qaranka Somaliland. Waa horumar iyo guul loo qaaday dhinaca geedi-socodka dimuqraadiyadda iyo hannaanka doorashooyinka xorta ah ee ka tisqaaday geyi-geenna hooyo.

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Shacbi-weynaha Somaliland inay qaataan oo xil weyn iska saaran in qof walba oo muwaadin ahi helo aqoonsigiisa codbixiye.

Innaga oo xog-ogaal u ah oo dareensan xaaladda ba’an ee abaaraha dalka ka taagan, kuna hawlan dardargelinta gurmadka bulshadeena abaaruhu samaayeen, (waxaynu Ilaahay ka baryaynaa inuu abaarta inaga soo jebiyo, insha Allaahu).

Waxaan ku rajo-weynahay inaynu nahay dal iyo dad isku wadi kara hawlaha gurmadka abaaraha ee dadkeena tabaalaysan iyo qaadashada kaadhka codbixinta. Xukuumad ahaan, waxa naga go’an in ay doorashada madaxtooyadu ku qabsoonto wakhtigii loo cayimay ee 13, November, 2017-ka, ee waxaan leeyahay halloo diyaar garoobo.

Ugu dambayn, Shacbi-weynaha Somaliland waxaan ku dhiiri-gelinayaa ilaalinta nabadgelyada, gurmadka abaaraha iyo horumarka dalka”.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Naasir Yuusuf Daahir

Secretary Office Media of the Presidential
Hargeisa – Republic of Somaliland
Email: naska2007@hotmail.com
nasirnaska77@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post