X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Geerida Maxamed Rashiid Muxumed Faarax Oo Ahaa Halyay Ka Baxay Saaxafadda Somaliland

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa ka hadlay geerida naxdinta iyo murugadda baddan ee Marxuum Maxamed Rashiid Muxumed Faarah oo ahaa Halyay door aan la ilaawi Karin kasoo qaatay xoriyadda Saxaafadda Somaliland, waqtigana ahaa Xoghayaha Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay Shil Baabuur oo Khamiistii Todobaadkii hore 25 Dec 2014, ka dhacay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera. Marxuumka, ayaa dhakhtar dhinaca Dalka Nairobi ah loo qaaday, halkaas oo xaqii ugu yimi Habeenimadii Isniinta ee 29 Dec 2014, waxaana Maydkiisa dhinaca Magaaladda Hargeysa lagu soo celinayaa maalinta beri ee 30 Dec 2014, iyadoo Xabaashiisa laga diyaariyay Xabaalaha Sheekh Aadan Siiro ee Woqooyi ee Magalaada Hargeysa. Dhanbaal Madaxweyne Siilaanyo kaga hadlay Geerida Marxuum Maxamed Rashiid Muxumed Faarax oo xanbaarsan tilmaan kooban oo doorkii uu ku lahaa hirgelinta iyo horumarinta saxaafadda Somaliland, isla markaana Madaxweynuhu ku tacsiyeeyay Bahda saxaafadda Somaliland, Ururka Suxufiyiinta, wargeyska Saxafi oo uu ka mid ahaa mulkiilayaashiisa iyo Qoyskii uu ka baxay, ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada Somaliland, Ururka suxufiyiinta ee Solja iyo Wargeyskii uu ka tirsanaa ee Saxafi. Sidoo kale waxa uu tacsi taasi la mid u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday Nairobi-Kenya 29/12/2014, loona geeyey xaalad caafimaad ka dib dhaawac ka soo gaadhay shil baabuur.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay inuu kaalin mugleh ka soo qaatay dhismaha dhaqaajinta iyo hirgelinta saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland, muddo dheerna waxa uu ka mid ahaa hogaanka ururka saxaafada Somaliland ee Solja. Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN” ayaa lagu yidhi Dhanbaalka Madaxweynaha Somaliland.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post