Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka hadlay daadad ka dhashay roobab xoog leh oo ka da’ay deegaanno ka tirsan gobolka Awdal, kuwaas oo sababay dhimashada 5 qof, iyadoo In ka badan10 qof oo kale la sheegay in daadadkaasi laga soo badbaadiyay, kadib dadka deegaanka iyo maamulka degmada Dilla oo u gurmaday, balse ay jiraan dad la layahay raq iyo ruux.
Madaxweyne siilanyo, wuxuu sidoo kale ka hadlay geerida Dr. Cabdi Aw Daahir oo ahaa wasiirkii hore ee Arrimaha Qoyska Xukuumadda Madaxweyne Siilaano oo maanra aas qaran loogu sameeyay magaalada Burco kadib markii uu shalay ku geeriyooday halkaa.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi, sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya Magaciisa kan dawladda iyo ka Shacbiga Somaliland wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska, ehelada, qaraabada, iyo shacbiga somaliland ee ay ka baxeen dadka Masiibada daadadku ku dileen degmada Dela ee gobolka Awdal.
Sidoo kale wuxuu dhambaal uu ugu damqanayo u diray qoysaska, ehelada iyo qaraabada kuwii ay Jeclaayeen Lala’yahay ee sababeen daadka Ilaahay keenay.
Madaxweynuhu wuxuu amray masuuliyiinta qaranka, hay’adaha dawlada ee shaqada ku leh iyo Ciidamada qalabka sida, inay ka qeyb galaan gurmadka baadigoobka dadka la la’yahay iyo Samatabixinta iyo wax u qabashada dadka dhibaatadu kasoo gaadhay masiibadaa, dadka ku maqanna raq iyo ruux dhakhso loo soo sugo.
Madaxweynuhu wuxuu Ilaahay uga baryey inta ku dhimatay inuu naxariistiisi janno ka waraabiyo, kuwa la’yahayna dhakhso loo helo iyagoo bedqaba.
Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) wuxuu yidhi “ Masiibada dadka haleeshaa iyo wanaagga ay helaanba, waa wax Xagga Alle ka qoran”, “ siduu Illaahay SWT sheegay.
Ilaahay Samir iyo iimaan saadiqa ha innaga siiyo, beddel kheyr qabana halkoodii ha innoo soo gesho kuwa ku dhintay”, kuwa la la’yahayna Alleha inoo keeno”.
Dhinaca kale Madaxweynuhu wuxuu amray in la baajiyo shirkii golaha wasiirada ee todobaadlaha ahaa ee Khamiista maanta oo kale la qaban jiray, Isagoo masuuliyiinta qaranka u kala diray, una baxeen Janaasada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali ee Burco, oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin u horkacayo Madaxweyne ku xigeenku weheliyana Wasiirka Madaxtooyadda, iyo Gurmadka Dila oo ay u baxeen masuuliyiin uu horkacayo gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye kana mid yihiin Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo masuuliyiin kale.” ayaa lagu yidhi qoraalkaa kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.
Dhinaca kale Aaska Qaran ee magaalada Burco loogu sameeyay maanta Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir, waxa ka qayb galay Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, Guddoomiyayaasha axsaabta qaranka iyo boqolaal shacbiga magaalada Burco ka tirsan.