Araweelo News Network
Hargeysa (ANN) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah gargaar bani’aadanimo ugu fidiyaan dadka ay saamaynta ku yeelatay abaarta ka taagan degaannada dalka si looga hortago masiibo bani’aadanimo oo ka dhalata dhibaatooyinka abaaraha ka dhashay.
Madaxweynaha Somaliland oo kulan isugu yeedhay hay’adaha caalamiga ah iyo ururrada la shaqeeya shalay, waxa uu ku soo bandhigay qiimayn lagu sameeyey xaaladaha abaarta iyo saamaynta ay ku yeelatay dadka, isagoo sheegay in xaaladdu haatan aad u xun tahay, haddii aan ficil degdeg ah la muujinna dhici doonto masiibo bani’aadanimo oo halis ah.
Kulankaas oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ka akhriyey qoraal luqadda Ingiriisiga ku qoran oo xambaarsan baaq culus oo u kala diray beesha caalamka, kaasoo Jamhuuriya u turjumay Afsoomaali, waxa uu u dhignaa sidan:
“Xukuumadda Somaliland waxa ay ku dhawaaqaysaa in abaar xaalado xun xambaarsan ka taagan tahay waddanka. Laba ilaa saddexdii sanno ee u dambeeyey waxa jirtay roob yaraan saamayn ku yeelatay gobollada Sanaag, Sool, Togdheer iyo Saaxil.
Marka la eego qiimaynta sannadlaha ah ee ugu dambaysay oo ay samaysay hay’adda FSNAU (Food Security and Nutrition Analysis Unit) iyo Isku-xidhka Habka Qiimaynta Digniinta Hore ka Bixiya Abaaraha ee FEWSNET (Famine Early Warning Systems Network), waxa muuqata in dad ka badan hal milyan oo qof u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo oo degdeg ah, halka sidoo kale ugu yaraan 248, 000 (laba boqol, siddeed iyo afartan kun) oo ruux ay ku sugan yihiin xaalad halis ah, isla markaana ay cunto yaraan baahsan ka jirto Somaliland.
Sidoo kale, Hay’adda Cilmi-baadhista Degaanka iyo u Diyaargarowga Masiibooyinka ee Qaranka Somaliland ee NERAD (National Environment Research and Disaster-preparedness) iyo hay’adda Qarammada Midoobay ee OCCHA, ayaa qiimayn ay ka sameeyeen 19 degmo oo Somaliland ah waxa lagu ogaaday in dadka xoolo-dhaqatada ah ay 86% waayeen xoolahoodii sannadkii hore, halka sidoo kale qoysasku 51% wax yar cunto cunaan saddexda xilli.
Qiimayn kale oo ay xukuumadda Somaliland ka samaysay degaannada bariga iyo xeebta bilihii October ilaa November, waxa lagu ogaaday in xaaladdu aad halis u tahay. Waxa meesha ka baxay oo baqtiyey 60% adhiga (idaha iyo riyaha), halka sidoo kale 20% uu geelu meesha ka baxay.
Xoolaha nool ee aan weli baqtiyin ayaa xaaladoodu aad u u xun tahay, waxana isugu darsamay tamar-darro iyo xannuunno, iyadoo ay aad u yar yihiin fursadaha ay ku sii noolaan karaan haddii aan gurmad degdeg ah lala gaadhin. Xaaladdu aad ayey u sii xumaanaysaa maalinba maalinta ka dambaysa, iyadoo aannu waajahayno macaluul baahsan oo sababi karta in dadku dhintaan haddii aan gargaar degdeg ah loo fidin.
Sidaa darteed, waxa xukuumadda Somaliland ka codsanaysaa bulshada caalamka, Qarammada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka inay taakulo bani’aadanimo oo degdeg ah la soo gaadhaan dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen ee Somaliland.
1. Degaannada abaartu saamaysay:
Iyadoo abaartu si ballaadhan ugu baahday Somaliland, haddana meelaha ay sida gaarka ah u saamaysay waxa ka mid ah gobollada bariga, sida Sanaag, Sool, Togdheer iyo Saaxil, halka ay sidoo kale dhibaatada abaartu gaadhay degaanno ka mid ah Gobolka Awdal iyo Maroodi-jeex.
2. Tirada dadka abaartu saamaysay:
Abaarta adag ee waqtigan taagan waxay noqotay mid ka mid ah abaaraha ugu xun ee soo maray taariikhda Somaliland, taasoo saamaysay qiyaastii hal milyan iyo badh oo ruux, kadib markii roob yaraan dhacday saddexdii sanno ee u dambeeyey. Dadka abaartu saamaysay waxa ka mid ah qoysas barakacay, kuwaasoo caydhoobay, markii ay xoolihii ka dhammaadeen.
Sugnaanta cuntada (Food Security):
Xaalad nafaqo-darro ah ayaa si aad ah ugu baahday degaannada abaartu ku dhufatay, waxana meesha ka baxay wax-soo-saarkii beeralayda waddaniga ah, xoolihii oo meesha ka baxay, dakhligii dadka oo yaraaday iyo qiimaha raashinka oo kor u kacay, ayaa sababay cunto yaraan, waxana jira tamar-darro, iyadoo dhibaatadu haysato carruurta iyo dadka waayeelka ah.
Baahida degdegga ah (Urgent assistance needed):
Haddaba, marka la eego xaaladaha halista ah ee aan soo sheegay, aniga oo ku hadlaya magacayga dawladda iyo dadweynaha Somaliland, waxa aan ugu baaqayaa beesha caalamka inay si degdeg ah u muujiyaan ficil lagu badbaadiyo nolosha dadka, isla markaana lagaga hortago masiibo bani’aadanimo oo dhacaysa,” ayuu Madaxweynaha Somaliland ku yidhi baaqiisa.