X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Dareen Celiyay Mashaariicda Iyo Caawimooyinka Dalka Imaaraadku La Garab Istaagay Shacbiga Somaliland Iyo Xukuumaddiisa

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka dareen celiyay Caawimooyinka iyo taageerada dawlada Imaaraadka Carabta ee EAU, la garab istaagtay shacbiga Somaliland iyo xukuumaddiisa iyo mashaariicda ay ka wadaan dalka, isagoo Madaxweynaha Somaliland ku hanbeeyay Boqorka EAU kaalmada iyo mashaariicda ay ka fulinayaan Somaliland.

Qoraal Madaxweyne Siilaanyo ku socodsiiyay Boqorka Dalka Imaaraadka, isla markaana loo mariyay Sheekh Khaliifa Wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Ambassador Baashe, ayaa lagu sidan:-
” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Dhambaal hambalyo ah u diray boqorka isu-taga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu dhambaal mahadnaq ah u diray boqorka isu-taga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, Xukuumada isu-taga imaaraadka carabta iyo shacbiga dalkaasiba guud ahaan.

Dhambaalkan mahadnaqa ah waxa uu madaxweynuhu ku sheegay inuu si buuxda ugu mahadnaqayo boqorka, Xukuumada iyo Shacbiga Imaaraadka ugu mahadnaqaas oo ku saabsan kaalmada taakulada isdaba-jooga ah ee ay la soo gaadheen shacbiga tabaalaysan ee reer Somaliland, taas oo ay soo bilaabeen bishii Oktoobar (October) ee sanadkii hore ilaa haddana ay wadaan oo raashin ku filan sideed kun oo qoys (8Kun) ay ugu danbaysay caawimada isutaga imaaraadka, kuwaas oo qaybintoodu ka socoto gobolada bariga Somaliland, gaar ahaan Togdheer, Sool, Sanaag, iyo degmooyinka Oodweyne iyo Saraar.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in saaxiibka wanaagsani yahay ka marka ay baahidu jirto ku barbartaagan (A friend in need is a friend indeed) dalka imaaraadka carabtuna waxa uu muujiyey inuu yahay saaxiibka reer Somaliland ee wakhtigan abaartu hayso isagoo ka dalbaday madaxweynuhu inay halkaasi ka sii wadaan taakuladooda madaama oo abaartii baahday, dadkiina ay halis ugu jiraan macaluul iyada oo ay dhawr isugu jira waayeel iyo carruuri ay dhinteen.

Dhinaca kale waxa uu madaxwyenuhu xusay abaarta ka sakow in isu-taga imaaraadka carabtu uu dalka ka wado mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin, mashaariicda biyo gelinta ee caasimada hargeysa ee Xumbo weyne, mashruuca kawaanka qalliinka xoolaha ee berbera, ismaha wasaaradda diinta iyo Awqaafta oo xarun balaadhan oo imaaraadku maalgelinaayo uu hadda socdo, iyadoo mashaariic kale oo lagu hagaajinaayo ceelasha biyaha ay ka wadaan meelo badan oo dalka ka mid ah.

Dhambaalkaa mahadnaqa ah oo madaxweynuhu u sii mariyey safiirka Somaliland u fadhiya dalka imaaraadka carabta, Amb. Baashe Cawil Cumar oo isagu intii uu xilkaasi hayey muujiyey dedaal iyo karti wax ku ool ah, taas oo ay marag u tahay iskaashiga isu-taga imaaraadka carabta iyo Somaliland oo xoogaystay, dalkana ay soo gaadhayeen wufuud kala duwan oo ay ugu danbaysay weftigii balaadhnaa ee dalka imaaraadka ka socday, una socday sidii ay mashaariic ay ka mid yihiin inay wax la qabantaan idaacada quraanka kariinka ah, Xarunta agoomaha ee Hargeysa, Wasaaradda Diiinta iyo Awqaafta iyo Jaamacada Hargeysa.

Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu sheegay cidaan u mahadnaqin dadka waxtara in aanay ilaahayna u mahadnaqin, sidaasi awgeedna uu u mahadnaqayo Boqorka, Xukuumada iyo Shacbiga Imaaraadka Carabta.” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post