X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Dareen Celiyay Inqilaabkii Turkiga Ee Safarkiisu La Kulmay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa ka hadlay inqilaabkii dhicisoobay ee la doonayay in xukunka lagaga tuuro Madaxweynaha Dalka Turkiga.
Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliso Marwadiisa oo safar ay ku tageen dalka Turkiga la kulmay inqilaabkaa dhicisoobay, ayaa dalka kusoo laabtay shalay,wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo ka dareen celiyay arrintaa,
Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda, ayaa u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ay weheliyaan Marwada Koowaad ee Qaranka, Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane, Cali Axmed Cali ayaa galabta oo Khamiis ah dib ugu soo guryo noqday dalka, ka dib markii ay soo dhamaysteen todobaad nasasho ah oo uu ku joogay madaxweynuhu Magaalada Busra ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha oo socdaalkiisu ahaa mid khaasa, sidaan hore u sheegnay ayaa dalkaasi waxa ka dhacay intii uu ku sugnaa isku-day inqilaab, kaasoo ay fashiliyeen shacbiga dalkaasi oo si buuxda ugu hiiliyey madaxweynaha iyo dawladda ay soo doorteen, iyadoo madaxweynaha Somaliland, wax-alla-wax saamayn ah aanu ku yeelan afgenbigaa dhicisoobay.

Madaxweynaha ayaa markii uu dalka ku soo laabtay waxa uu hambalyo u diray shacbiga dalka turkiga sida ay u taageereen dawladdooda iyo madaxweynahooda iyo sida geesinimada iyo waddaninimada leh ee ay isku hortaageen kuwii damacsanaa inay xukunka ka tuuraan dawladda sharciga ah ee la soo doortay, waxaanu sheegay madaxweynuhu inay taariikh dhigeen ummadda reer Turki, ka dib markii ay diideen, kana horyimaadeen kacdoonka ciidamada qaarkood ku kaceen.

Ugu dambayn madaxweynuhu waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray duqayda, waxgaradka, Madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta, bulshada gobolada, Sanaag, Xaysimo iyo Sool, ajiibida ay kaga qaybgaleen gogoshii nabadeed ee uu hore u fidiyey Madaxweynuhu iyo heshiiska ay ka gaadheen fadhigii maalmaha qaatay ee ku qabsoomay degmada Awr-boogays laguna ansixiyey heshiiskaas, dadka deegaankuna ay isku raaceen inay ummaddooda Somaliland wax la qaybsadaan, waxna la wada qabsado, iyadoo laysku duuban yahay, meelna looga soo wada jeedo danta qaranka oo qof walba faa’iido u ah, sidoo kalena waxa uu bogaadiyey una mahadnaqay intii kasoo shaqaysay arrintaa taariikhiga ah.

madaxweynaha waxa ku soo dhaweeyey madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida golaha wasiirada, xildhibaano, culimo awdiin, madax-dhaqameed, taliyeyaasha Ciidamada iyo bulshada qaybeheeda kala duwan qaarkood.” ayaa lagu yidhi Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post