X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Gollaha Wakiiladda Ku Celiyay Go’aanka Ay Ku Laalleen Heshiiska Haammaha Iyo Loollanka Labada Shirkadood Ee Sababay Go’aanka Gollaha

Hareysa(ANN) Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa go’aansatay inay golaha wakiillada dib ugu celiso go’aan ay goluhu ku laalleen in Haammaha Shidaalka Berbera lagu wareejiyo shirkado gaar ah. kadib markii golaha wakiiladu go’aan aqlabiyad ah ku hor istaageen ka hor intii aan loo soo gudbin heshiiskaa oo ay ka war heleen in xukuumaddu ku mashquulsan tahay.

sida uu shaaca ka qaaday Wasiirka xidhiidhka golayaasha Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo Idaacada VOA-da la hadlay ayaa u sheegay in Madaxweynuhu dib ugu celiyay go’aanka goluhu ku laallay in la wareejiyo hay’adda Kaydka Haamaha shidaalka ee Berbera, si goluhu dib ugu eego heshiiska.
Xukumadda iyo shirkaddaha Shidaalka ayaa ku mashquulsan sidii Kaydka Haammaha loogu wareejin lahaa shirkaddaha Shidaalka oo qaarkood ay hore u jireen iyo kuwo dhowaan la sameeyay, balse xukuumadda ayaan wax taageero ah uga helin rayal caamka sababaha loo wareejinayo iyo kuwa ay yihiin shirkadaha lagu wareejinayo.
sidoo Heshiiska ayaan waxba lagala socon nooca uu yahay, iyadoo aan la marin nidaamka iyo qaanuunka dastuuriga ah ee loo wareejin karo hantida Ummadda, ama haddii la iibinayo sida uu dhigayo Datuurka dalka in la shaaciyo si ay muwaadiniintu ugu sinaadaan fursada tartanka, isla markaana waxa qorshaha la doonayay in Haammmaha Kaydka Shidaalka lagu wareejinayaa ahaa mid u socday qaab qarsoodi ah oo aan la marin hay’adda qandaraasyada qaranka.

Go’aanka Golaha wakiillada ayaa soo baxay, iyadoo aanay jirin wax heshiis ah oo ay gacanta ku hayeen oo iftiiminaya, ama sharaxaad ka bixinaya nooca heshiisku yahay, waxayna arrintani kusoo beegantay, iyadoo guddida dabagalka hantida qaranka ee soo jeedisay mooshinka goluhu go’aanka kasoo saaray ka marag kaceen in xukumaddu dayactir fiican ku samaysay Haammaha mudooyinkii u danbeeyay, iyadoo dhinaca kalena Maareeyaha Haammaha Kaydka ee Shidaalku sheegay in sanadkii lacag dhan $24 Milyan ka soo baxdo, balse golaha walkiilada, ayaa ku dooday inaanay arag wax xisaab xidh ah oo muujinaya qaabka Xukuumaddu lacagtaa u isticmaasho.
Tallaabada Xukuumadda Madaxweyne ku wareejinay Haammaha Shidaalka shirkado gaar loo leeyahay, ayaa lagu macneeyay mid la xidhiidho dano dhaqaalle iyo in lagu naas-nuujiyo dad gaar ah, waxayna dadka arrimahan la socdaa ku sifeeyeen go’aanka golaha wakiiladdu soo saaray iyagoo aan hayn heshiish cad inay ka danbeeyeen labada shirkadood ee ugu tunka weyn kuwa lagu wareejinayo oo ah Red Sea iyo HASS, kuwaas oo ku loolamaya gacan ku haynta Haammaha, isla markaana mid ka mid ah labadaa shirkadood golaha ku abaabushay inay ka hor tagaan heshiiskaa si keligeed loogu wareejiyo.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post