X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Fariin Hanjabaad Ah Kaga Qaybgalay Munaasibada Xuska 22-Guurada Kasoo Wareegtay Aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland

Muuqaalka Cutub ka mid ah Booliska Somalialnd ee rabashadaha ka hortaga Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay Xuska Sannad Guurada 22aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Xafladan oo sannad walba lagu qabto oo ka dhacday xarunta Taliska guud ee Ciidamada Booliska Somaliland, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyay Khudbad koobban, isagoo ku bilaabay sidan:-

Madaxweyne Siilaanyo oo ka qaybgalay 22 guuradii kasoo waregtay aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland 3 Nov 2015.

“Farxad weyn bayn ii tahay inaan maanta kasoo qeyb galo Munaasibada Sannad guurada 22aad ee aas-aaska Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland, ciidanka booliska somaliland waa waxay ku fadhido nabadgelyada dalka iyo dadku uu ku faano.

waxaan mahad weyn u celinayaa Ciidankaa heerkastuu yahay Dadka haddii aan la kala celin oo la ilaalin oo shariciga la ilaalin oo cid ilaalisa loo samayn wax baddan baa laysku qabsanayaa wax baddan baa inaga fakanaya,.

Muuqaal xuska Aaasaaska Booliska Somaliland Araweelo News Network 3 Nov 2015


Dal Dimuqraadi ah baynu nahay dad wada jira baynu nahay Siyaasada waa layskaga hor imanayaa, dannaa la kala leeyahay qaab kala duwan baa wax loo arkaa, laakiin farsamo iyo cilmi iyo aqoon iyo nidaam baa lagu kala baxaa wixii nidaamkaa ka baxsan ee nabadgelyada wax yeelaya cid laga yeelayaa ma jirto, Booliskuna wuxuu u samaysan yahay inuu nabad gelyada ilaaliyo cid kastaba ha noqotee”. ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Cutib Booliska Rabshadaha ka hortaga ee Somaliland

Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu ka hadlay khilaafaadka siyaasadeed iyo arrimaha dhinaca Aamaanka, isagoo yidhi, ” markaa waxaan leeyaahay dadka qaarkood waa laysku qabsanaya waa layska hor imanayaa laakiin cidna ka yeeli mayno cidna laga aqbali maayo intaynu ciidankeenaa booliska iyo ciidamada kale nabad gelyada ilaaliya aynu haysano in cidina wax yeesho oo ummaddaa iyo dadkaa nabadgelyada iyo xasiloonida haysta ay ku cayaarto nabadgelyadaa iyo xasiloonidaa aynu leenahay.” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo weedhihiisa loo fasirtay inay yihiin fariin hanjabaad ah oo ku socota Khilaafka xisbigiisa ee isbahaysiga musharixiinta iyo Wasiiradda iska casilay xukuumaddiisa ee ku gacansaydhay guddida uu magcaabay todobaadkan.

Booliska Somaliland xuska munaasibadda kasoo wareegtay 22-guuradii la aasaasay oo ku beegan 3 Nov 2015.


“waxaan leeyahay aad iyo aad baan ugu bogaadinayaa ciidamada booliska madaxdiisa, masuuliyiintiisa iyo mijihiisaba sida fiican ee qaranimada leh ee hawshaa, xilkaa loo igmaday ay u ilaaliyaan, waxaan leeyahay hanbalyo aad iyo aad u balaadhan baan usoo jeedinayaa Ciidanka Booliska, Ubadkooda iyo Xaasaskoodaba aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin”. ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post