X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Digreeto Aan La Shaacin Ku Magcaabay Guddi Cusub Oo Heer Qaran Ah Iyo Hawsheeda

Hargeysa(ANN)Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xubno isugu jira wasiirro, xildhibaanno, aqoonyahan iyo abwaanno u magacaabay maamulka Akadamiga Cilmiga iyo Fanka ee Somaliland.

Sida ku cad digreeto aan la shaacin oo xafiiska Madaxweyne Siilaanyo soo saaray 21 March 2015, waxa uu ku magacaabay 13 xubnood oo noqonaya guddiga maamulka Akadamiga Cilmiga iyo Fanka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo xubnahaas faray inay dhaqaajiyaan horumarinka cilmiga iyo fanka.

“Aniga oo tixraacaya qoraalka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee ujeeddadiisu tahay soo-jeedin magacaabidda xubnaha Akadamiga Cilmiga iyo Fanka. Haddaba, mudanayaal, waxaan idiin magacaabay in aad noqotaan xubnaha Akadamiga Cilmiga iyio Fanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed, waxaan idinka fajaynayaa in aad xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan hawlaha cilmiga iyo fanka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu Madaxweynaha Somaliland ku yidhi digreetadiisa.

13-ka xubnood ee loo magacaabay hoggaaminta Akadamiga Cilmiga iyo Fanka Somaliland waxa guddoomiye u ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoolle), Guddoomiye-ku-xigeenna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, waxana xubno ka ah; Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Cabdikariim Axmed Mooge, xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, abwaan Maxamed Ibraahim Wasrame (Hadraawi), Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe) oo dhowaan loo magacaabay Safiirka Somaliland ee Kenya, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, Axmed Ibraahim Cawaale, Dr. Maxamed Warsame Ducaale, Dr. Siciid Axmed Xasan iyo Dr. Axmed Xuseen Ciise.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post