X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhanbaal Hanbalyo Ah Hawadda U Mariyay Amiirka Dalka Qadar


Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), ayaa dhanbaal Hanbalyo ah u diray Amiirka Dalka Qadar Tamiim Bin Hamad Althani, isagoo ugu hanbalyeeyay munaasibada kasoo wareegtay maalinta Qaranimada ee Dalka Qadar.
Dhanbaalka Madaxweynaha Somaliland ee hanbalyada, ayaa u qoraan sidan:-
“Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dalka Qatar, isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaanba, sanad guurada ka soo wareegtay Maalinta Qaranimada QATAR awgeed.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan Hambalyada ah u dirayaa Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Althani iyo shacbiga Dalka Qatar oo ah Dal iyo dad aynu walaalo nahay oo ay inaga dhaxayso xidhiidh walaaltinimo oo soo jireen ah.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu Dawlda Alle uga baryayaa inuu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash barwaaqo iyo Rayn-rayn” ayaa lagu yidhi Dhanbaalka ku waajahnaa Amiirka Dalka Qadar ee kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Araweelo News Network

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post