X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhaar Iyo Dar-daaran Isu Raaciyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland

28 Jun 2015 Madaxweyne Siilaanyo oo dhaarinaya guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamada Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo  madaxweynuhu xilkaa u magacaabay 24 May 2015, isla markana u gudbiyey Baarlamanka Somaliland oo ansixiyay 3 Jun 2015.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa hore xilkii ugala wareegay gudoomiyihii hore Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali 8 Jun 2015.

Waaxana Qasriga Madaxtooyadda Somaliland Maanta oo taariikhdu tahay 28 Jun 2015, ku dhaariyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo mariyay dhaartii dastuuriga ahayd. Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, wuxuu gudoomiyaha cusub ee Maxkmadda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, wixii hadda ka danbeeya gudanayaa hawlaha shaqo ee horyaala, isaga oo sharciga islaamka ugu dhaartay shacbiga iyo qaranka Somalilandba.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa dhaarta kadib gudoomiyaha maxkmadda sare ugu duceeyey in Alleh u fudaydiyo xilkaasi, kana dhigo mid dalka iyo dadkaba u horseeda kala danbayn iyo caddaalad.” Ayaa lagu yidhi Qoraalka oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post