X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dardaaran U Jeediyay Arday Ka Qalinjebisay Jaamacada Admas Ee Hargeysa

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta ka qaybgalay qalinjebinta dufcadii 9aad ee ka baxda Jaamacada Admas, oo munaasibad balaadhan maanta loogu qabtay hotel Mansor Hargeysa, madaxweynaha oo halkaasi ka jeediyey khudbad xambaarsan hambalyo iyo dardaaran ayaa yidhi “Dhammaan marti-sharafta, masuuliyiinta kala duwan, madaxda Jaamacadda, Macalimiinta iyo Ardayda “ASSALAAMU CALAYKUM WA-RAXMATULLAAHI WA-BARAKAATU”

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Ugu horreyn, sharaf weyn bay ii tahay, in aan idin kala soo qayb-galo xafladda qalin jebinta dufcadda 9aad ee Jaamacadda Admas, waxaan si gaar ah u hambalyeynayaa, Ardayda maanta qalin-jebisay kulliyadaha Jaamacadda Admas. Sidoo kale, waxaan hambalyeynayaa waalidka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay, guushan ay gaadheen,

Waxaan si weyn u bogaadinayaa maamulka, madaxda iyo macalimiinta Jaamacadda Admas, dedaalka iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii ay Jaamacaddu jirtay. Jaamacadda Admas waxay kaalin muq leh ka qaadatay, tayeynta iyo casriyeynta waxbarashada dalka, isla markaana ay ku guuleysatay horumar weyn, muddadii ay jirtay.

 

Duco-qabayaal,

Waxa xusid mudan, in Ardayda Jamhuuriyadda Somaliland, meel kasta oo ay joogaan, ay waxbarashada ku wanaagsan yihiin, iyada oo ay jiraan arday reer Somaliland ah oo guulo waa weyn ka soo hooyey, Jaamacaddo ku kala yaalla dalalka dibeda. Sidaa darted, waxaan idinkula dardaarmayaa, in ay-daan ka daalin waxbarashada, oo aad sii wadaan halkanka iyo dedaalka aqoon raadinta, si aad u gaadhaan heer aad u sarreeya.

 

Duco-qabayaal,

Guntii iyo geba-gebadii, waxaan idinku guubaabinayaa, in aad ka fogaataan dhaqamada xun ee aafeeya il-baxnimada iyo horumarka bulshoooyinka caafimaadka qaba, sida: kala-qaybsanaanta, qabyaaladda, tahriibta, dal nacaybka iyo bal-wadaha”.

Guuleysta,,, Guuleysta,,, Guuleysta,,,

ALLAA MAHAD LEH

 

Naasir Yuusuf Daahir
Director Presidential of Media

Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post