X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Cambaareeyey Weerar Khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay London

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee laga fuliyey magaalada London ee dalka Ingiriiska habeenkii Axadda ee toddobaadkan, kaasoo sababay dhimashada toddoba qof iyo dhaawaca in ka badan 40 ruux oo kale.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland , waxa Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu tilmaamay in cidda fulisay weerarka argagixiso ay doonayso sidii ay isugu diri lahayn bulshaha dimuqraadiga ah ee caalamka.
“Weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada London wuxuu ahaa mid aad looga murugoodo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), xukuumadiisa iyo dadka reer Somaliland, waxa ay si xoogan u cambaaraynayaan weerarkii argagaxa lahaa ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo aan waxba galabsan. Weerarkan axmaqnimada ah waxa uu ahaa mid la doonayo in lagu argagax geliyo dadka rayidka ah. Waxa uu ahaa weerar ka dhan ah amma lagu qaaday bani’aadanimada iyo qiyamka guud ee caalamku wadaago,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.
“Dadka fuliyey weerarku ujeedada qudha ee ay leeyihiin waa sidii loo minjo-xaabin lahaa waxyaabaha ay hodanka ku yihiin bulshada ku dhaqan caasimadda London oo ah xarun adduunka oo dhan ku kulmo, waxyaabahaas oo ay ka mid yihiin qiyamkooda dimuqraadiga ah, xoriyadda, furfurnaanta iyo dul-qaadka, waxa ay doonayaan inay diimaha iska horkeenaan oo ay isku diraan, inay madaxa isku geliyaan bulshooyinka adduunka, jaararka isku diraan. Waxa ay doonayaan inay argagax iyo cabsi ku dhex faafiyaan bulshada nabadgelyada iyo ilbaxa ah ee ku nool caasimadda London, halkaas oo qof kastaaba jecel yahay inuu noqdo muwaadin u dhashay amma ka soo jeeda.”
“Xaaladaha murugada leh dartood xukuumadda iyo dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waa ay idin barbar taagan yihiin, waxayna u rajaynayanaan bulshada Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan dadweynaha reer London inay midaysnaadaan, dul-qaadkooduna aannu ka lumin,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post