Qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Caawa, ayaa lagu sheegay in Madaxaweynuhu cafis u fidiyay xildhibaanada arrintaa u xidhaan, waxaana lagu yidhi qoraalka Madaxtooyadda sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2911/012015, uu cafis ugu fidiyey laba xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.
Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud;
Markuu Tixgeliyey: Codsiga Cafiska ah ee Xildhibaanada halkan ku lifaaqan.
Wuxuu Go’aamiyey In uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo maxaabiista Xildhibaan Xasan Muxumed Cumar iyo iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Liibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.” Ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleeabaan Dhuxul.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com