Araweelo News Network

Muuqaalka Masjidka Madaxweyne Siilaanyo Salaada Jimcaha kula tukaday shacbiga Berberta

Muuqaalka Masjidka Madaxweyne Siilaanyo kula tukaday Berberta


Berbera(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ku sugan Magaalada xeebta ah ee Berbera, ayaa Salaadii jimcaha maanta la tukaday shacbiga ku dhaqan Magaalada.

Madaxweynaha oo Maalintii lixaad ay ka soo wareegtay Safarkii uu ku marayey gobolada Dalka qaar ka mid ah, wuxuu habeenkii xalay kusoo hoyday magaalada Berbera.

Madaxweynaha Somaliland

Madaxweyne Siilaanyo


Dadweynaha Magaalada Berbera, ayaa salaada kadib ku qaabilay dareen farxad ah, kuwaas oo isugu soo baxay wadooyinka iyo masjidka hortiisa, iyagoo madaxweynaha si diiran oo kal iyo laaba ugu soo dhawayneen gacmo furan iyo sacab.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu mudada uu joogo kulamo la yeesho Odayaasha iyo waxgaradka Saaxil.
madaxweynesilanyomasjidkaberbera

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.