X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo oo Baaq Dhiilo Xambaarsan u Diray Beesha Caalamka iyo Ganacsatada Somaliland

Araweelo News Network


Hargeysa (ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shaaciyey in abaaro aad u adag soo waajaheen bulshada dalkiisa, taasoo uu caddeeyey inay khatar ku tahay dadka iyo duunyada, haddii aan gurmad degdeg ah lala gaadhin.
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada xalay, kulan gaar ah Madaxweyne Siilaanyo la qaatay guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha shalay, ayaa lagu falanqeeyey sidii loogu gurman lahaa dadka iyo xoolaha abaartu saamaynta ku yeelatay, isagoo Madaxweynuhu farriin baaq dhiilo xambaarsan u kala diray beesha caalamka iyo ganacsatada Somaliland.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu mar labaad isugu yeedhay guddida heer qaran ee abaaraha dalka ee uu u xilsaaray, guddoomiyena ka yahay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.
Madaxweynuhu isagoo ka duulaya xaaladda abaareed ee gobollada bariga iyo guud ahaanba dalka Somaliland la soo deristay waxa uu go’aansaday inuu isugu yeedho mar kale xubnihii guddida abaaraha ee heer qaran oo kulan muhiima ku yeeshay qasriga Madaxtooyada Somaliland. Madaxweynuhuna waxa uu uga mahadnaqay guddidaas sidii wanaagsanayd ee ay uga qaybqaateen gurmadkii abaaraha ee hore, waqtiganna ka hawlgalaan sidii ay ugu gurman lahaayeen shacbiga iyo xoolaha ku dhaqan degaannada abaartu saamaysay, qaylo-dhaantuna ka soo yeedhayso.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu shacbiga Somaliland meel ay joogaanba iyo dawladaha adduunka, Qarammada Midoobay, Midowga Afrika, Urur-goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo dhammaan beesha caalamka waxa uu ugu baaqayaa in ay abaaro aad iyo aad u adag soo food saareen Jamhuuriyadda Somaliland, xoolaha iyo dadkana khatar ku tahay, sidaa awgeedna caawimo degdeg ah loola soo gaadho.”
“Waxa Madaxweynuhu si gaara farriin ugu dirayaa guud ahaan ganacsatada dalka iyo shacbiga Somaliland ee ku caan baxay gurmadka walaalahooda tabaalaysan ee ay mar walba sida hagar la’aanta ah ugu gurmadaan oo waqtigan u baahan in loo gargaaro oo la garab istaago dad iyo xoolaba,” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Madaxtooyada.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post