X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Muxuu Ka Yidhi Mawqifka Aan Xalka Loo Helin Muda-kordhinta Daawo

muuqaalka Madaxweyne Siilaanyo 21 Jun 2015

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta u anbabaxay dalka Ethiopia, wuxuuna Madaxweynuhu ka hadlay ujeedada safarkiisa.

Qoraal ka hadlayay ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa u dhignaa sidan :-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo hogaaminaaya Xubno ka mida Golihiisa wasiirada ayaa safar shaqo ugu kicitimay Dalka Ethiopia ee aynu jaarka nahay, halkaasi oo ay martiqaad rasmi ah ka heleen Raisal wasaarada Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Weftiga Madaxweynaha ayaa intii aanay ka dhoofin garoonka diyaarahada ee Cigaal International Airport waxa uu madaxweynuhu saxaafada xog ka siiyey ujeedada socdaalkiisa, isaga oo sheegay madaxweynuhu in uu martiqaad rasmi ah ka helay raisal wasaare Desalegn kana wada hadli doonaan arrimaha labada dal ka dhexeeya ee la xidhiidha Amniga mandaqada geeska afrika, iyo sii xoojinta xidhiidhka labada dal.

Waxaana halkaasi madaxweynaha ku sii sagootiyey Masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay gudoomiyaha Xisbi xaakimka Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa koowaad Muj. Maxamed Kaahim, sulaadiin, cuqaal, xildhibaano iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.

Xubnaha madaxweynaha ku wehelinaaya safarka

1. Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde

2. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Md M Biixi Yoonis

3. Wasiirka Madaxtooyada JSL Md Xirsi Cali Xaaji Xasan

4. Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancade

5. Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md Cali Axmed Cali

6. Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia Amb. Aadan Jaamac Galaal

Ka dibna madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, isaga oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, hareera joogaana taliyeyaasha ciidamada qaranka.”
Halkan Ka Daawo Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya xaalada Siyaasadeed ee Dalka iyo mawqifkiisa muranka siyaasadeed ee axsaabta mucaaradka iyo go’aanka guurtida ee mudda-kordhinta.


Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post