X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Kulan La Qaatay Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Imaaraadka

Araweelo News Network

Abu Dhabi(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ku sugan imaaraadka Carabta ayaa salaadii ciidal fidriga ka dib Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan imaaraadka ku qaabiley Hotel ka uu ka degan tahay Abu Dhabi Madaxweynubu.

Kulanka jaaliyadda uu madaxweynuhu la qaatay ayaa ahaa mid ay jaaliyadu nasiib u heshay inay la ciido madaxweynaha qarankooda oo kula sugan dalka imaaraadka, waxaana halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo jaaliyadda uga mahadnaqay sida qiimaha badan ee ay u barbar taagan yihiin horumarka dalka ka socda, gaar ahaan mashaariicaha kala duwan ee imaaraadku ka wado somaliland.

Sidoo kale waxa isna qayb ka ahaa kulankaasi safiirka imaaraadka carabta u qaabilsan Somailand, md Baashe Cawil Cumar oo isagu ku suntan horumarka balaadhan ee ay somaliland ka samaysay waddamada carabta sida imaaraadka.

Madaxweynaha oo maalmihii u danbeeyey ramadaan ku sugnaa Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxda sarsare ee Imaaraadka Carabta, iyadoo la filayo inay ka wada hadlaan arrimaha mandaqada ka taagan wakhtigan oo ay Somaliland hore u cadaysay mawqifkeeda.

Madaxweynaha waxa ku wehelinayay kulankan wasiirka xanaanada xoolaha, safiirka UAE ee Somaliland, la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha saxaafadda, Safiirka Imaaraadka iyO Safiir Ku xigeenka UAE iyo saraakiil kala duwan oo ka mid ah Madaxtooyada JSL.

Naasir Yuusuf Daahir
Secretary Office Media of the Presidential

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post