X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefdigiisa Oo Usoo Jeeda dhinaca Somaliland Kaddib Safar Dalka Britain Oo Qaatay Todobadyo

“Araweelo News Network

London(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wefdigiisa, ayaa usoo jeeda dhinaca Dalka Somaliland, kaddib markii uu Madaxweynuhu soo gebagebeeyay safar uu ku joogay dhawr todobaad cariga dalka Britain.
Qoraal kooban oo uu soo saaray Cali Adan Cawaale oo ah Wakiilka Somaliland ee UK, wuxuu kaga hadlay safarka Madaxweynaha iyo wefdigiisa, wuxuuna ku yidhi, sidan:-

“Waxa ALLA mahaddii ah inu si wanaagsan u soo gaba-gaboobay safarka wefdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silayo ee ay kamidka ahaayeen Marwad kowaad, Murashaxa xisbul xaakimka KULMIYE mudane Muse Biixi Cabdi iyo xubno ka tirsan golaha wasiirradu ay ku joogeen dalkan UK. Wefdigu maanta oo Axad ah ayey haddii ALLA Aqbalo u kicitimi doonaan dalkii hooyo.

Madaxeynaha iyo wefdigiisu intii ay joogeen UK waxay la kulmeen mudaneyaal badan oo ka tirsan Baaralaanka UK iyo Ganacsato waaweyn oo kala duwan, kuwaas oo danayaya inay maal gashi ku sameeyaan dalkeena Somaliland kadib markii ay yaqiinsadeen fursadaha maal gashi ee ka jira dalkeenna dihin. Waxa shirkado door ahi muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin maal gashi ballaadhan oo ay dalka ku sameeyaan kadib markii masuuliinta Somaliland u bandhigeen jawiga maal-gashi ee ka jira Somaliland iyo shuruucda maal-gashi ee dalka oo si weyn u soo jiidatay dhammaan shirkadihii wafdigu la kulmay.

Wafdigu waxay mudaneyaasha baarlaanka UK u sharxeen geeddi socodka doorashooyinka Somaliland iyo sababaha kallifay kala qaadista labada doorasho ee madaxtooyada iyo baarlanka, taas oo ay mudneyaasha baarlamanka UK si wacan u garawsadeen. Mudaneyaasha UK waxay ballan-qaadeen inay gacan buuxda siin doonaan dedaalka horumarineed/dimuqraaddiyadeed ee ay dawladda Somaliland dalka ka waddo.

Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxa kale oo ay kulammo door ah la yeesheen Jaalliyadda Somaliland ee deggen UK. Iyaga oo booqday kulammana ku qabtay badi magaalooyinka waaweyn ee UK.
Safarka wafdiga ayaa ahaa mid guul ku soo dhammaaday.

Ugu dambayn aniga oo ka wakiil ah wefdiga Madaxweynaha waxa aad ugu mahad naqayaa jaalliyadda Somaliland ee UK ee sida aadka u wanaagsan u soo dhoweysay Madaxweynaha iyo wafdiga la socda.: sidaa waxa lagu soo gunaanaday qoraal kooban oo uu so saaray Cali Adan Cawaale
Wakiilka Somaliland ee UK.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post