X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefdigiisa Oo Heshiisyo Mugdi Ku Jiro La Saxeexday Xukuumadda Dalka Imaaraadka Carabta

Araweelo News Network

Dubai(ANN)Madaxweyne ku xigeenka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ahna Ra’iisal wasaaraha dalkaasi, isla markaana ah xaakimka Imaaradda Dubai, Mohammed Bin Rashid Al-Maktoum ayaa maanta qaabiley Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo qasrigiisa.

Madaxweynaha oo la dejiyey hotelka Al-qasar, ee ku yaalla madiinatu Jubayra ee Dubai ayaa wuxuu gudoonsiiyey madaxweynuhu Ra’iisal wasaaradaha Dalkaasi hadyad ah, astaanta qaranka jamhuuriyada Somaliland.

Weftiga uu horkacayo madaxweynuhu ee ku sugan Dubai ayaa heshiis dhinacyo badan taabanaya la saxeexday masuuliyiinta shirkada Dubai World oo ah shirkadda u qaabilsan Isu-tagga Imaaraadka dhinaca dekedaha, gaar ahaan waxa heshiiskaasi saxeexay gudoomiyaha shirkadaasi Sultan Ahmed Bin Sulayem, oo ka wakiil ah dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo dhinaca Somaliland oo uu u saxeexay Wasiirka Arrimaha dibeda Dr. Sacad Cali Shire.

Ujeedada heshiiskan ayaa ah dhismaha, dayactirka iyo ballaadhinta dekeda caalamiga ah ee Berbera. Waxa kale oo heshiiska la kala saxeexday ka mida dhismaha waddada loo yaqaan Berbera Corridor oo ah waddada ganacsi ee isku xidhidhaysa Berbera iyo Itoobiya.

Waxa kale oo ka mid ah heshiiskaa horumarin lagu samayn doono dhinaca beeraha, tamarta, Korontada, dalxiiska, mid ka mid ah Hoteelada casriga ah ee loo yaqaano (Five Star Hotel) oo laga hirgelindoono Magaalada Berbera iyo guud ahaanba tababarada shaqaalaha iyo horumarintooda oo looga golleeyahay in lagu gaadho maamul wanaag.

Heshiiskan ayaa noqon doona, iyadoo lagu rajo weyn yahay in uu degdeg u fulo, mid faa’iido balaadhan u leh dalka iyo dadka Somaliland gaar ahaan iyo gobolka ay ku taallo Somaliland guud ahaanba.

Weftigii wasiirada iyo maareeyaha dekeda ka kobnaa ee ka horeeyey madaxweynaha, kuna sugnaa Dubai ayaa iyagu dalka ku soo laaban doona maalinta berrito ah, iyagoo faah-faahina ka bixindoona nuxurka heshiiskaasi iyo midhaha ka dhashay hawlgalkaa xukuumada ee ku aaddan xidhiidhka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Somaliland.” ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post