X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Socdaalka Loo Bixiyay Tabantaabo Ee Ku Waajahnaa Deegaanada Abaartu Ku Habsatay Ee Bariga Somaliland Iyo Wararkii U Danbeeyay

Araweelo News Network

muuqaalkawefdiga madaxweynaha oo usii jeeda xarunta gobolka Sool

Laascaanood (ANN)Weftigii balaadhnaa ee maalmahan ku marayey gobolada bariga Somaliland ayaa maalintii afraad galay maanta oo Salaasa ah taariikhduna tahay 22/11/2016, weftiga oo xalay u hoyday gobolka saraar magaalo madaxdiisa Caynaba ayaa markii waagu beryey waxay halkii ka sii ambo qaadeen socdaalkoodii la magac baxay tabantaabo oo ay ugu kuurgelayeen xaalada baahsan ee abaarta saamaysay dadkii iyo duunyadii ku dhaqnaa deegaamada gobolada Saaxil, Sool, Sanaag iyo Togdheer, madaxweynuhuna indhaha ka soo qaaday xaalada ay ku sugan yihiin dad iyo duunyaba iyo goobaha ay ky soo hayaameen bulshadu.

Weftiga Madaxweynaha oo ka kooban gudoomiyaha ahna murashaxa xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, Marwada qaranka Somaliland, marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirada, Madaxtooyada, Maaliyada, Waxbarashada, Xanaanada Xoolaha, Warfaafinta, Beeraha, Arrimaha gudaha, Wasiirka Hawlaha guud, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, wasiirkii hore ee maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, wasiir ku xigeenka Wasaarada duulista iyo hawada iyo masuuliyiin doora.

Madaxweynuhu waxa uu kulan balaadhan la qaatay intii uu ku sugnaa magaalada caynabo guddida heer qaran ee abaaraha Somaliland iyo gudida heer gobol ee gobolka saraar, waxaanay madaxweynaha warbixin ka siiyeen xaalada guud ee abaarta dalka iyo degaamada gobolkaasi marayso, waxaanu madaxweynuhu ku wareejiyey guddida abaaraha ee gobolka saraar, deeqo isugu jira, raashin, iyo biyo, ka dibna weftigii madaxweynuhu waxay u kicitimeen dhinaca gobolka Sool, waxaana si balaadhan loogu doo dhaweeyey deegaamada u dhexeeya saraar iyo Sool iyagoo gaadhay magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood caawana u hoydeen halkaa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post