X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Hogaamiye Prof Cali Khaliif Oo Shahaado Ku Abaal-mariyay Murashax Faysal Cali Waraabe Kadib Heshiiskii Khaatumo

Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland Iyo Hogaamiyaha Khaatumo oo shahaado-sharaf gudoonsiinaya Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe

 

Caynaba(ANN)-Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka qaybgalay Munaasibad lagu saxeexayay heshiis taarikhi ah oo dhex maray Somaliland iyo Khaatumo, ayaa gebagebadii lagu gudoonsiiyay abaalmarin.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo Iyo Hoggaamiyaha Khaatumo Prof. Galaydh oo Heshiiska saxeexaya 20 Oct, 2017′ Caynaba

Somaliland iyo khaatumo ayaa wado-hadalo qaatay sannad uu dhex marayay, kuwaas maanta lagu soo gunaanaday Magaalada Caynaba Ee Gobolka Saraar, waxaana xaflad si weyn loo abaabulay oo lagu qabtay halkaa Heshiiskaa si wada jir ah u saxeexay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo Iyo Prof  Prof Cali Khaliif oo ah Hoggaamiyaha Khaatumo.

Guddoomiyaha UCID Iyo Hoggaamiyaha Khaatumo

Wadahadaladani oo si weyn labadii sano ee u danbeeyay uga socday dalalka imaaradka, Djibout, Ethiopia iyo Somaliland gudaheeda ayaa maanta kusoo gaba-gaboobay Caynaba. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo hogaamiyaha khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh oo si wada jira u saxeexay heshiiska ay gaadheen labada dhinac ayaa waxa hadalka qaatay Prof: galaydh oo si weyn u sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska maanta lagu kala saxeexday caynaba, waxa uu sheegay Galaydh in dastuurka Somaliland oo la furaa yahay dawladda kaliya ee reer Sool iyo Sanaag bari isagoo ballan qaaday inuu heshiiskaasi sida uu yahay uu u fulin doono.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Iyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi madasha xaflada Heshiiska Somaliland Iyo Khaatumo 20. Oct, 2017 , Caynabo

Murashax Faysal Cali Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in u wada hadalladan uu kaga mashquulay hawlihiisa shaqo, maadaama uu yahay Murashax, balse uu ku dadaalay siduu uga midho-dhalin lahaa Wada Hadaladan oo muddo-socday, isla markaana ay maanta u taahay maalin-wayn .

 

Ugu dambayn Madaxweynaha Somalilnad iyo Hogaamiyaha Khaatumo, ayaa si wada jir ah shahaado-sharaf u gudoonsiiyay Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, taas oo uu ku muttaystay dadaalkii aan kala joogsiga lahayn ee uu galiyay Wada Hadaladan guusha ku dhamaaday ee dhex maray Somaliland iyo Khaatumo .

Daawo Khudbadda : “Heshiiskan Maanta Dhex Maray Somaliland Iyo Khaatumo Waxaa Uu Dhuxul-dab Ah Ku Noqonayaa Cadawgeena, Intan Somaliland Mideenayay, iyadoo aanay munaasibada ka xaadirin Labada Murrashax ee kale.

Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Oo Khudbad Taarikhi Ah Ka Jeediyay Madashii Uu Ka Dhacay Heshiiska Somaliland Iyo Khaatumo .

Halkan Ka Daawo.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post