X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddomiyaha Kulmiye Oo Ka Hadlay Oday Ku Geeriyooday Boorama

Hàrgeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka hadlay geerida Marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale oo ka mid ahaa odayaasha waxgaradka ee Boorama, isla markaana ka. Mid ahaa Odayaasha kasoo qayb qaatay nabadayntii dalka.
Qoraal tacsi ah oo kasoo baxay qasrigà Madaxtooyada Somàliland ayaa u qornaa sidan:-
“Madaxweynahà Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaa shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Xaaji Daahir Cilmi Ducaale oo ahaa tiir ka mida tiirarka uu qarankani ku faani jiray, maanta oo ay taariikhdu tahay 30/08/2015 ku geeriyooday Magaalada Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday dalka iyo qaranba ku dhexleh taariikh iyo magac, kana mid ahaa odayaashii u horeeyey ee u guntaday sidii qaranka Somaliland dhidibada loogu taagi lahaa, isaga oo ka soo shaqeeyey shirarkii taariikhiga ahaa ee Somaliland ku muujisay gooni isu taageeda nabadayntii, iyo dib u dhiskii dalka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku. waxaanu madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, qaranka somaliland, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxweynaha.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay geerida Odaygaa, wuxuuna dhanbaal qoraal àh ku yidhi sidan:-

“Anigoo ku hadlaya xilka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ka hoggaanka xisbiga,Golaha Dhexe taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan ka tacsiyadaynayaa shacabka iyo asxaabta geerida ku timi Marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale magaalada Boorama maanta oo taariikhdu tahay 30/08/2015). Marxuum Xaaji Daahir wuxuu ahaa oday taariikh wanaagsan ku lahaa dalka

waxaannu ka mid ahaa xildhibaannadii Baarlamankii u Horreeyey ee Somaliland sannadkii 1960-kii. Waxa kaloo uu kaalin wayn ka soo qaatay nabadayntii beelaha Somaliland markii xorriyadeeda ay dib ula soo noqtay, isagoo door weyn kulahaa
xulustii Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.

Ilaahay waxaan uga bàryaynaa inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo Marxuum Xaaji Daahir Cilmi, qaraabada iyo guud ahaan shacabkana uu samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiin…. Aamiin…. Aamiin.” Ayaa lagu yidhi qoraalka guddoomiyaha Kulmiye.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post