X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddoomiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Ganacsade Ka Mid Ahaa Saamilayda Ugu Waaweyn Shirkadda Telesom Oo Ku Geeriyooday Hargeysa

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo guddoomiyaha Golaha Wakiillada, isla markaana ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay geerida Marxuum Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim (Fidhin) oo ka mid ahaa Ganacsade ka mid ah Saamilayda ugu waaweyn Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom. Sidoo kalena ka mid ahaa Culimada iyo madaxdhaqameedka dalka.
Alla ha u naxariistee marxuum Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim oo aas qaran loogu sameeyey Hargeysa maanta, ayaa ku geeriyooday Cusbitaalka magaalada Hargeysa 16 Jun 2015. Kadib markii si kedis ah loo dhigay Cusbitaalka habeenimadii.
Dhnbaal Tacsi ah oo kasoo baxay Qasriga Madaxtoyada Somaliland, ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxdhaqameedka Somaliland iyo guud ahaan shacbiga, isagoo ka tacsiyadaynaya geerida ku timi Alla ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim oo ku geeriyooday Hargeysa 16/06/2015, isla markaana lagu aasay Xabaalaha Naasa-hablood ee Bariga Magaalada Hargeysa.

tacsi taasi la mida, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo u diray qoyska, ehelka, qaraabada, iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku, waxaanu ku tilmaamay suldaanka tiir ka baxay hogaanka dhaqanka, isla markaana kasoo shaqeeyey nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu Fardawsa ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, qoyska, ehelada, qaraabada, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Ayaa lagu yidhi dhanbaalka Madaxtooyada Somaliland.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa sulaadiinta, cuqaasha, ugaasyada, culimada, ganacsatada, aqoonyahanka iyo dhammaanba shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alleh ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim Fidhin oo xalay (habeenkii Salaasada) ku geeriyooday cisbitaalka Weyn ee Hargeysa, isla maraakana ka mid ahaa Culimada, Ganacsatada iyo Madaxdhaqameedka dalka.

Waxaa kale oo guddoomiye Cirro uu tacsi taa la mid ah u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaanba asxaabta uu ka baxay marxuumku, isaga oo sida oo kalena ku sifeeyey marxuumku in uu ahaaa Suldaan muddo dheer ka soo shaqeeyey illaalinta nabad-galyada Somaliland, isla markaana ahaa ganacsatada dhifta ah ee Somaliland ka hirgaliyey hanaanka casriga ah ee ganacsiga Somaliland/
Marxuumku, wuxuu kaloo ahaa Sheekh ka mid ah culmida waaweyn ee dalka, isagoo Marxuumku ahaa shakhsi ku caan ah caawinta dadka masaakiinta, isla markaana kuna suntanaa shakhsiyaadka ka shaqeeya horumarka Somaliland.

Guddoomiye Cirro, waxaa uu Ilaahay uga baryey in uu marxuumka godka u nuuriyo, janatul Fardawsana ka waraabiyo ehelka, qaraabada, culimada, ganacsatada, madax-dhaqameedka iyo dhammaanba umadda reer Somaliland samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin.
Sidoo kale Tafaftiraha Shebekadda Araweelo News Network Carraale Maxamuud Jaamac iyo dhamaan Bahda Araweelooyinka waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii Ehelkii, Culimada Somaliland, Madaxdhaqameedka, Bahda Ganacsatada, gaar ahaan Shirkadda Telesom iyo dhamaan shacbiga Somaliland, iyagoo ka tacsiyaynaya geerida Marxuum Suldaan Maxamed Xasan Ibraahin Fidhin, waxayna Illaahay uga Baryayaan Marxuumka inuu jannatu Fardawsa ugu deeqo dhamaanteena Samir iyo iimaan inaga siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

Innaa-Lillaahi Wa Innaa-Illeyhi Raajicuun.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post