X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddoomiyaha Kulmiye Oo Ka Hadlay Geerida Prof. Maxamed Barkhad Miigane Oo Ka Mid Ahaa Golaha Wakiilada

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilanyo, ayaa ka hadlay geerida Prof. Maxamed Barkhad Miigane oo ahaa Aqoonyahan ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland oo 30/03/2015 ku geeriyooday Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Prof. Barkhad oo lagu naanaysi jiray (Xamaal), wuxuu xubnaha golaha Wakiilada ee Somaliland ka mid ahaa labaatankii sannadood ee u danbeeyay, wuxuuna ahaa Aqoonyahan macalin Jaamacadeed kasoo noqday Jaamacadii Lafoole ee Somalia, isagoo waqtigana ahaa Prof. Cilmiga Sayniska ka dhiga Jaamacadaha Somaliland.

Dhanbaal Tacsi ah oo Madaxweyne Siilaanyo kaga hadlay geerida Marxuum Prof. Mamaxamed Barkhad Miigane, wuxuu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Barlamaanka, Golaha guurtida, shacbiga Somaliland, guud ahaan golayaasha qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal) oo maanta 30/03/2015 ku geeriyooday Magaalada Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay masuul qaran oo muddo dheer ka soo shaqaynaayey danta ummadda iyo ta qarankaba kana mid ahaa odayaashii ka qaybqaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka door muhiimana ku lahaa xeer dejinta dalka, isaga oo marxuumku ka mid ahaa xildhibaanadii u horeeyey ee dalku yeesho oo uu ilaa wakhtigana ka mid ahaa golaha baarlamaanka somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo Golaha Barlamaanka, Golaha guurtida, shacbiga Somaliland, guud ahaan golayaasha qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
Sidoo kale waxa geerida Marxuum Prof. Maxamed Barkhad Miigane ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna dhanbaalkiisa Tacsida ku yidhi sidan:- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, wuxuu tacsi u dirayaa, qoyska, ehelka, qaraabada, Golaha Baarlamanka, bahda waxbarashada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Xildh/prof. Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal) oo maanta (30/03/2015) ku geeriyooday magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.

Marxuum Maxamed Barkhad Miigane waxa uu door wayn ka soo qaatay dhismaha waxbarashada sare, dib-u-dhiskii iyo nabadayntii dalka, isaga oo ka mid noqday xildhibaanadii u horreeyey ee loo soo xulay Golaha Wakiillada oo uu ilaa hadda xubin ka ahaa.” Ayaa lagu yidhi dhanbaalka,

Guddoomiyuhu, wuxuu Alle uga baryay inuu Marxuumka naxariista janno ka waraabiyo, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan inaga siiyo Aamiin.
Sidoo kale Bahda shebekada Araweelonews, waxay tacsi taa la mid ah u diraysaa qoyskii, Qaraabadii, ehelkii, Golaha Wakiilada iyo shacbiga Somaliland, iyagoo ka tacsiyaynaya geerida Marxuum Frof. Maxamed Barkhad Miigane, waxayna Marxuumka Illaahay uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumkana Alle naxariistii jano ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post