X
    Categories: Warar

Madaxweyne Siilaanyo Oo Digreeto Kusoo Saaray Maalinta Loo Cayimay Qabsoomida Doorashada Madaxtooyada Somaliland

Araeeelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenka Seylici

Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu soo saaray ku caddeeyey in doorashada Madaxtooyadu qabsoomayso 13 November 2017.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, waxa Madaxweyne Siilaanyo sheegay inuu helay qoraal Komishanka Doorashooyinku ku cayimeen waqtida doorashada, sidaa darteedna uu digreeto ku soo saaray muddada loo qabtay qabsoomida doorashada Madaxtooyada oo uu xusay inay lagama maarmaan u tahay hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4866/062017 ku cayimay xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland la qaban doono.
Madaxweynuhu:
Markuu arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu arkay: Qodobka 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu arkay: Qodobka 9aad ee Xeerka Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanada ee Xeer Lr. 20/ 2001;
Markuu helay: Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/060/2017 ee ku taariikhaysan 08/06/2017, Ujeeddadiisuna tahay cayimaadda Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan qodobka 9aad (2) ee Xeerka Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaannada ee Xeer Lr. 20/ 2001;
Markuu arkay: Go’aanka Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay GG/JSL/Go’aan-02/03/2017, kuna taariikhaysan 06/03/2017, kaas oo lagu sameeyey muddo korodhsiimo ku eeg 13/12/2017;
Markuu arkay: Qoraalka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MD/DD/01/2017, kuna taariikhaysan 16/02/2017, ujeeddadiisuna tahay Qaraarka Dib-u-eegista Qaraar Fasiraad lam.MS/DD/02/2015 ee 18/08/2015;
Markuu ku qancay: In ay lagama-maarmaan u tahay Hannaanka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimo xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wuxuu soo saaray

Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu marka ay tahay 13/11/2017, ay noqoto maalinta ay qabsoomayso Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Mr. Naasir Yuusuf Daahir oo ah Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku-simaha Afhayeenka Madaxweynaha.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post