Araweelo News Network
MadaxweynesilanyolastHargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa farriin xambaarsan sagaal qodob u diray Soomaaliya, Qarammada Midoobay, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Maraykanka, taasoo uu ku caddeeyey sida qaddiyadda madaxbannaanida dalkiisu u tahay mid dhab ah oo aan dib looga noqonayn.
Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad ka jeediyey xaflad lagu soo bandhigay codsi (Petition) ay ku saxeexan yihiin 1,021,000 (hal milyan, labaatan iyo kow kun) qof oo muwaaddiniin reer Somaliland ah una dalbanayaan in beesha caalamku ictiraafaan qarannimada dalkooda oo lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay, waxa uu sheegay inuu u mahadcelinayo dadweynaha muujiyey dareenkooda la xidhiidha rabitaanka madaxbannaanida qarankooda.
“Dareenkan muwaaddiniintu wuxuu ka markhaati kacayaa rabbitaanka runta ah ee shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo uu caddaynayaa himilada iyo hal-adayga ummadda Somaliland u leedahay ka-midho-dhalinta mabaadii’da ay aaminsan yihiin iyo ilaalinta madaxbannaanida dalkooda hooyo, kuwaasoo aan la yaraysan karin, lana is-diid-siin karin amma dhegaha laga furaysan karin,” ayuu yidhi Siilaanyo.
Waxa kaloo uu sheegay in qaddiyadda Somaliland ay tahay mid ku dhisan rabitaanka muwaaddiniinteeda, “Arrimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka shacbigani qaatay.
Sidaa darteed, waxa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo-ka-tashiga iyo rabitaanka shacbiga Somaliland, waxaanan bulshada caalamka ugu baaqayaa inay garwaaqsadaan xaqa sharci iyo ka bani’aadannimo ee shacbiga Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran madaxbannaan.
Qarannimada iyo madaxbannaanida Somaliland waxay dan u tahay nabadgalyada, deganaanshaha, geeddi-socodka dimoqraadiyadda, ganacsiga iyo horumarka Geeska Afrika iyo ka caalamka intaba.
Ugu dambayn, waxaan shacbi-weynaha Somaliland ugu baaqayaa gudo iyo dibad meel kasta oo ay joogaan:
• in ay meel uga soo wada jeedaan ilaalinta qarannimada iyo qaddiyaddooda.
• in ay rabitaankooda ku muujiyaan cod dheer iyo cudud midaysan,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, Madaxweyne Siilaanyo, ayaa farriin u kala diray Soomaaliya iyo beesha caalamka, isagoo soo bandhigay waxyaabo muujiyana sharcinimada madaxbannaanida Somaliland.

“Waxaan u caddaynayaa dalkii aannu ka go’nay ee Soomaaliya, dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka iyo dhammaan dalalka ku midoobay Jamciyadda Quruumaha ka dhexaysa arrimaha hoos ku xusan:-
1. Somaliland waa waddan leh taariikh dheer oo soo jiray ilaa sannadkii 1887, isla markaana leh xuduudo caalamiya oo la aqoonsan yahay, kana mid ahaa maxmiyadihii Ingiriiska.
2. Somaliland waxay ahayd dal gaar ah oo xornimadiisii ka qaatay dawladdii Ingiriiska 26 June, 1960-kii. Waxaannu ku biirnay, lana midownay 1-dii July dalkii Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray.
3. Somaliland waa waddan isagoo xor ah, waddan kale oo xor ah ku biiray. Ma aha markii ugu horreysay oo laba waddan oo qaaradda Afrika ka mid ah isku darsadeen, haddana kala noqdeen.
• Dalalka Masar iyo Suuriya waxay isku darsadeen sannadkii 1958, waxay kala noqdeen 1961-kii.
• French Sudan iyo Senegal waxay isku darsadeen 1960-kii, waxay kala noqdeen 1960-kii.
• Dalalka Gambia iyo Senegal waxay isku darsadeen 1981-kii, waxay kala noqdeen 1989.
4. Shacbi-waynaha Somaliland waxay si cad 53% ku diideen bishii June 1961-kii aftidii loo qaaday dastuurkii cusbaa ee loo sameeyey dalkii lagu midoobay ee la magac baxay Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo haatan meesha ka baxday.
5. Muddo yar kadib, markii shacbiga Somaliland garwaaqsadeen inay ku hungoobeen midnimadii, waxay saraakiishii ka soo jeeday Gobollada Woqooyi sameeyeen inqilaab dhicisoobay December, 1961-kii, kaas oo ujeeddadiisu ahayd inay dib u soo celiyaan Xornimadii Somaliland ee luntay.
6. Somaliland rubuc qarnigii u dambeeyey kama qaybqaadan shirarkii kala duwanaa ee dib-u-heshiisiinta Soomaaliya marnaba.
Sidoo kale, kama mid aha nidaamka federaalka yegleesha ah ee ay ku midoobeen maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, kuwaasoo saxeexay, isla markaana oggolaaday heshiisyada iyo Axdiga (Road map-ka) ay ku dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.
7. Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, kadib markii ay salaadiinta, garaadada iyo waxgaradka beelaha woqooyi shir isugu yimaaddeen magaalada Burco, go’aan midaysanna ay ku gaadheen in madaxbannaanidoodii ay dib ula soo noqdaan.
8. Ma aha markii u horreysay ee dadka Somaliland dareenka iyo rabitaankooda muujiyaan, shacbiga Somaliland waxay bishii May ee sannadkii 2001-dii kalsooni cod buuxa 97.7% ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaddiyadda goonni-isu-taagga dalka.
9. Somaliland waa dal buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa waddan madaxbannaan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.