X
    Categories: Warar

Madaxweyne Muuse Biixi Somaliland Oo La Kulmay Madaxda Sare Ee Xafiiska Rugta Ganacsiga Imaaraadka, Kadibna Daah-furay Xafiiska Rugta Ganacsiga Somaliland Ku Yeelan Doonto Dubai

Araweelo News Network

Dubai(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, intaanu ka soo ambo bixin Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxa uu booqday rugta ganacsiga ee Dubai oo ku taala magaalada Dubai, sidoo kalena madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxa fulinta ahna agaasimaha rugta ganacsiga Dubai iyo gudoomiyaha rugtaasi, waxay si wada jir ah u daah-fureen xafiis cusub oo ay Somaliland ku yeelan doonto Dubai una qaabilsanaan doona rugta ganacsiga oo ay Dubai Ruqsadiisa Jamhuuriyadda Somaliland siisay iyadoo ka wakiil ah imaaraadka carabta.

waxaana madxweynaha Somaliland iyo weftigiisa sharaxaad ka siiyey sida ay u shaqeeyaan iyo hawlaha ay u qaabilsan yihiin Dubai, iyo imaaraadka Carabtaba madaxa fulinta ahna agaasimaha rugta ganacsiga Dubai, Mr. said Hamad Buamim iyo gudoomiyaha rugtaasi, Mr. Majid Saif Al Ghurair, waxaanay madaxweynaha Somaliland iyo weftiga si balaadhan ugu soo dhaweeyey xafiiskaasi.

Waxaanu madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi halkaasi kula hadlay saxaafadda caalamiga ah oo ku sugnayd isla goobtaasi isagoo sheegay madaxweynuhu in xafiiskaasi uu muhiim u yahay labada shacbi ee Somaliland iyo Imaaraadka una sahlayso isu socodka arrimaha ganacsiga la xidhiidha, waxaanu xafiiskaasi ahaanaya mid ay maamulkiisa boqolkiiba boqol dawladda Somaliland leedahay.

Waxaana ka mid ahaa hadaladii madaxweynaha Somaliland “xafiiskan aynu maanta halkan ka furayno ee ay Somaliland ku yeelanayso magaalada Dubai oo ah magaalo caalami ah oo aduunkoo dhamina isugu yimid, insha Allaahu waxay noqon doontaa bilow wanaagsan oo sii kordhisa iskaashigeena xaga dhaqaalaha iyo xaga horumarka, dadkayagu waa dad ganacsiga ku wanaagsan oo taalanti ku ah ilaa iyo qarannimadii hore, intii aanu joognay waxa aanu kala kulanay soo dhawayn wanaagsan iyo qadarin dhammaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha dalka Imaaraadka Carabta oo uu ugu horeeyo sheikh khaliifa, sheikh maxamed, ra’isal wasaaraha, ra’isal wasaare ku xigeenka mansuur, wasiiradii aanu la kulanay iyo madaxda rugta ganacsiga ee halkan nagu soo dhaweeyey saaka, magaca weftiga anigoo ku hadlaya aad iyo aad ayaan idinka mahadnaqayaa soo dhawayntaa iyo qadarintaa”.

Ugu danbayna Madaxweynaha iyo weftigii uu hoggaaminayey waxa ay soo gabagabeeyeen safarkoodii shaqo ee ay ku joogeen Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana weftiga madaxweynaha loo gelbiyey garoonka ay ka dhoofaan madaxda caalamku, waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa u galbiyey masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan imaaraadka carabta oo halkaasi ku sii sagootiyey weftigii maalmaha kooban u joogay hawlaha shaqo isu-tagga imaaraadka carabta.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Afhayeenka Madaxweynaha JSL

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post