X
    Categories: Warar

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Wefdi Ka Socda Dalka Faransiiska Ku Qaabilay Xafiiskiisa Iyo Waxyaabaha Uu Ka Dalbaday

Araweelo News Network

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socday dalka Faransiiska oo uu hoggaaminayey safiirka dalalka Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan, Amb. Antoine Sivan, oo ay wehelinayeen xubno kale oo muhiim ah.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa uu weftiga ku bogaadiyey boqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxaanu warbixin dheer ka siiyey xaalada guud ee dalka, iyo taariikhda Somaliland, isagoo u sharaxay hanaanka geediga horumarka, nabadgelyada, iyo dimuquraadiyadda Somamliland ku tallaabsatay, isla markaana waxa uu madaxweynuhu u caddeeyey weftiga mawqifka gooni isu taagga Somaliland, isagoo u soo jeediyey in dalka faransiisku gacan ka geysto sidii Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd caalamka.

Geesta kale madaxweynuhu isagoo ka duulaya doorka iyo dedaalka xukuumadiisu ugu jirto dar-dargelinta hawlaha qaranka wuxuu u sharxay qorshaha shanta sanno ee soo socda, oo ay qayb ka yihiin shaqo abuurka dhalinyarada, iyo horumarinta arrimaha bulshada.

madaxweynuhu waxa uu ka dal baday hay’adda mucaawimooyinka u qaabilsan dalka faransiiska ee loo soo gaabiyo (AFD) ay xafiis ku yeelato Somaliland, kuna soo biirto sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Somaliland ee (SDF), ayna ka taageeraan Somaliland, sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka khayraadka baddaha.

Sidoo kale madaxweynuhu wuxu u bandhigay weftiga xaaladda abaareed ee ka soo cusboonaatay xeebaha iyo gobolada dalka, waxaanu ku adkeeyey sidii ay gacan uga geysan lahaayeen duruufta abaareed, isagoo ku wargeliyey in horraanta sanadka 2019ka ay dalka ka qabsoomi doonaan doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka.

Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu weftiga u sheegay in wada-hadalladii hore u dhex maray Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya dib loo bilaabi doono, Somaliland-na ay door bidayso in wadan dhex-dhexaada lagu qabto wada hadalada labada dhinac.

Weftiga dalka faransiiska ayaa dhinacooda madaxweynaha uga mahadnaqay sida qiimaha leh ee uu u qaabilay, ugana warramay xaaladda guud ee dalka iyo qorshaha xukuumadiisa ee shanta sano ee soo socda, iyagoo ballan qaaday inay dhamaan wixii shirkaasi lagaga wada hadlay kula noqon doonaan dalkoodii, sida ugu dhakhsaha badana ay uga soo jawaabi-doonaan. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad buuxa.

Madaxweynaha Waxa kulanka Kala qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire

Xubnaha Weftiguna waxay ka koobnaayeen

1. Safiirka Faransiiska u qaabilsan Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Antoine Sivan,
2. Emmanuel Dagon
3. Colonel Ducharme,
4. Abdehnor Brahmi
5. Jean Pierre Tutin

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post