X
    Categories: Warar

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sheegay In Xukuumaddu Diyaar U Tahay Qabsoomida Doorashooyinka Kadib Kulan Dhexmaray Guddida Doorashooyinka Qaranka

Araweelo News Network

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Kulankan madaxweynuhu la yeeshay xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ahaa mid xogwaran ah oo ay guddidu madaxweynaha warbixin ka siiyeen safar shaqo oo ay ugu maqnaayeen dalka dibediisa Iyo kulamo kula soo yeesheen dalalka Somaliland ka taageera dhinaca dhaqaalaha doorashooyinka Somaliland.

Waxaanay madaxweynaha uga warameen ballan qaadyadii ay kala soo noqdeen safarkooda, iyagoo sheegay inay waddamada Somaliland ka taageera arrimaha dhaqaalaha doorashooyinka Somaliland ay u sheegeen in dhinacooda ay diyaar ula yihiin wixii ku waajiba ee looga baahdo doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoomaan horaanta sanadka 2019ka.

Dhinaca kale madaxweynuhu waxa uu xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ku boggaadiyey hawsha qaran ee ay u hayaan qaranka iyo dedaalada ay ugu jiraan in doorashadu ku qabsoonto wakhtigeeda, waxaanu u balan qaaday in ay ka go’an tahay xukuumadda wixii kharash ku baxaya, sidii uu horeba madaxweynuhu u balan qaaday, ka guddi ahaana ay ku dedaalan in aanay wakhtigeeda dib uga dhicin doorashooyinku.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post