X
    Categories: Warar

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabilay Safiirka Ethiopia Usoo Magcawday Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Ethiopia usoo magcawday Somaliland Amb Shamsudiin Axmed Rooble.

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka cusub ee dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Shamsudiin Axmed Rooble.

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku xafiiska ku cusub yahay oo dhawaan dawladda federaalka Itoobiya u soo magacawday Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu Dawladda Itoobiya ku bogaadiyey inay u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland dublamaasi xeel dheeri u leh shaqada safiirnimo, kana soo shaqeeyey dalal badan oo dunida ka mid ah, isaga oo u rajeeyey safiirka inuu halkaasi ka sii amba qaado xidhiidhkii wada shaqayneed ee xafiiskiisa uu haatan ka hawlgalaa hore u hayey.

Kulankan, ayaa sidoo kale lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku tiirsan iskaashiga horumarka, ganacsiga, isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon).

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post