X
    Categories: Warar

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Magcaabay Guddida Qaban-Qaabada Xuska Sannad Guuradda 27aad Ee 18 May

Araweelo News Network

Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa magcaabay Guddi Wasiiro ah Iyo Maayarka Caasimada Hargeya, kuwaas oo diyaarinaya qaban-qaabada xuska maalinta Qaranimada Somalilanf ee 18 May oo la doonayo in la xuso Sannad Guuradda 27aad ee kasoo wareegtay markii 18 May 1991-kii lagaga dhawaaqay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheet.

Qoraal War-saxaafadeed ah oo kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Maanta wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/XM/G/083-076/042018 ku Magacaabay Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Ku: Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa

Ujeeddo: Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

Waxa foodda innagu soo haya Xuska Sannad Guuradda 27aad ee Maalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May, taas oo inooga baahan qorshe iyo u diyaar-garow, maadaama Bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogaan, ay u dabaal-degayaan Xuska 18 May, isla markaana dareenka qarannimadooda u soo bandhigaan Beesha Caalamka.

Sidaa darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 27aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil weyn iska saari doonnaan Xuska Maalinta 18 May. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post