X
    Categories: Warar

Madaxweyne Muuse Biixi oo kulan la Qaatay Wufuud Ka Kala Socota Qaramada Midoobay iyo Urur-goboleedka IGAD

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay wufuud ballaadhan oo ka kala socota Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo urur-goboleedka IGAD.

Wufuuddan oo ay kala hoggaaminayaan ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Raisedon Zenenge iyo Ergeyga urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaaliya Amb Mohamed Ali Guyo, ayaa kulanka ay madaxweynaha la qaateen waxa ku wehelinayey guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, guddoomiye-ku-xigeenka golaha guurtida, Mudane Siciid Jaamac Cali iyo wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxaana diiradda lagu saarayo arrimo door ah salka ku haya sidii loo dhawri lahaa deggenaanshaha deegaanka TUKARAQ ee bariga Somaliland oo uu dhawaan ka dhacay iska hor-imaad u dhexeeya Ciidamo ka socda Soomaaliya iyo ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa markii kulankaasi dhammaaday waxa uu faah-faahiyey waxyaabihii sida gaarka ah loogaga dooday, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha iyo weftigu si gaar ah uga wada-hadleen sidii loosii xoojin lahaa xidhiidha ka dhexeeya Somaliland, qaramada midoobay iyo weliba urur-goboleedka IGAD, iyada oo si gaar ah loogu dheeraaday muhiimadda ay leedahay nabad buuxda oo ka islaaxda deegaanka TUKARAQ, waxaana isaga oo arrimahaas sharraxaya uu yidhi, “Madaxweynaha iyo wefdigu waxa ay ka wada-hadleen ammuuro badan oo la xidhiidha cilaaqaadka labada geesood oo ay kamid tahay xaaladda TUKA-RAQ sidii loo maarayn lahaa, sidii arrinkaas xal looga gaadhi lahaana qodobbo dhawr ah ayaa la isla taataabtay, kuwaas oo ay kamid tahay in xabbad-joojin la sameeyo marka hore, in maxaabiista la isu celiyo iyo in hay’adaha samo-falka ah loo ogollaado inay gargaar fidiyaan, wax badanna waa la isla qaatay, waxaana aan rajaynaynaa in geeddi-socodka wada-hadalkaas guul laga gaadhi doono insha Allah.”

#Dhammaad#

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post