X
    Categories: Warar

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Safiirka Djibouti U Fadhiya Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Md. Xuseen Cumar Kawaaliye.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa si qoto dheer loogu lafo-guray sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal ee deriska ah, isla-markaana loo sii xoojin lahaa.

Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Md. Xuseen Cabdi Kawaaliye, ayaa madaxweyne Muuse Biixi ku bogaadiyey sida uu muhiimadda gaarka ah u siiyey sidii uu xidhiidhka labada dal u noqon lahaa mid midho-dhal ah, isaga oo si gaar ah carrabka ugu adkeeyey is-kaashiga taabbo-galka ah ee ay labada dhinac ka gaadheen dhinacyada ammaanka iyo isu socodka labada bulsho.

Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Jamhuuriyadda Somalilnad, ayaa kusoo beegmaya xilli uu xidhiidhka labada dal meel wanaagsan marayo, isla markaana ay bulshada labada dhinac yihiin kuwo dhaqan iyo isir wada dhalasho wadaaga wakhtigana si habsami leh isugu tallaabaan dhinaca xuduudaha labada dal.

Naasir Yuusuf Daahir
Director Presidential of Media

Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post